Somalia oo kaddib guushii shalay qorshe kale ka damacsan Golaha Amaanka QM

0

(Muqdisho) 30 Juun 2020 – DF Somalia ayaa SHALAY ku guulaysatey inay Madaxwayne Xigeen ka noqoto Golaha Guud ee QM, balse waxay durab codsatay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyada oo doonaysa in ay u tartanto sannadka 2023-ka.

Waxaa sidaas sheegtay Madaxtooyada Qaranka oo hadlaysey jeer ay dhambaal hambalyo ah u diraysey, Danjiraha Somalia ee loo doortay Madaxweyne Xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Waxaa xilkaa Somalia ku metelaya Danjiraha Somalia ee QM, Md Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), oo shalay noqday Madaxweyne Xigeenka Golaha Guud ee QM ee kal-fadhigga 75-aad ee 2020/21, waana markii ugu horreysay muddo 33 sanadood ah ee ay Somalia ay kursigan ku fariisato.

Yeelkeede, Somalia ayaa horay 3 mar usoo noqotay Madaxweyne Xigeenka Golaha Guud ee QM, sanadihii 1963-1964 oo uu noqday Xasan N. Cilmi, 1979-1980 oo ay kala noqdeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Axmed M. Aadan Qaybe, iyo 1986-87 oo uu xilkan ku dangiigsadey Cabdullaahi S.Cismaan.

Hadalsame Media