Rabshado ka socda Addis Ababa kaddib dilkii fannaan caan ahaa & taalladii Miniliq oo la gubey

0

(Addis Ababa) 30 Juun 2020 – Kaddib khaarajintii fannaankii Hachalu Hundessa oo caan ka ahaa Itoobiya iyo gaar ahaan qoowmiyadda Oromada dhexdeeda isagoo heesaha ugu qaareemi jire qoomwiyaddiisa Oromo, waxaa Addis Ababa ka curtay dibedbaxyo rabshado wata. Waxaa hadda gebi ahaanba la jaray internet-kii.

Hadhalu ayaa shalay fiidkii lagu toogtey meel u dhow Gelan Condominiums, sida ay faafisay Fana Broadcasting Corporate (FBC), iyadoo uu Taliyaha Ciidamadq Booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, uu sheegay inay soo qabteen dhowr eedaysane, waxaase jirta cabsi laga qabo inay arrintani isu bedesho qaaquullo dalka ku faafta, iyadoo ay rabshado ka bilowdeen gobolka Oromada.

Birhanemeskel Abebe Segni, oo ah gayfane Oromo ah qunsulna ka ahaa Safaaradda Itoobiya ee Maraykanka markii uu RW Abiy Ahmed xilka qabtay 2018-kii, ayaa af Amxaari kusoo qoray wax uu ku sheegay ”cunsuriyaal” oo aanu magacaabin oo uu sheegay inay fannaanka dileen isagoo leh:  “Oromo waa inay kala doorataa xorriyad iyo geeri.”

RW Abiy Ahmed ayaa isna u tacsiyeeyey ehelada iyo umadda Hahcalu Hundessa.

Itoobiya ayaa waxaa ka socda falal khaarajis ah, iyadoo sanad kahor Abaanduulkii Ciidamada Xoogga Itoobiya, General Seare Mekonnen, gurigiisa lagu dhex diley, isaga iyo Maj. General Gezai Abera. Waxaa sidoo kale la diley Injineer dhisayey Biya Xireenka GERD.

Waxayna dad badani qabaan inay waxan ka dambeeyaan gacmo siyaaseed oo qarsan oo maxalli iyo caalamiba noqon kara.

Waxaa hadda magaalada ka soconaya dibed baxyo waxaana dab la qabadsiiyey taallada imbiraadoorigii Miniliq oo uu isla Hachalu-ga la diley soo jeediyey in la burburiyo mar uu waraysi maalin dhowayd oo todobaad uun laga joogo bixiyey.

Waxaa ay booliisku toogteen Birhaanu Dibaabaa oo ka mid ahaa dibedbaxayaal ay Booliisku iskula dheceen agagaarka fagaaraha Piazza.

Hadalsame Media