Israel & Imaaraadka oo isla karinaya qorshe qarsoodi ah oo halis ah (Ujeedka Israel)

0

(Abuu Dabeey) 29 Juun 2020 – Israel ayaa la sheegay inay gacan ku leedahay dagaalka Yaman muddadii 5-ta sanadood ahayd ee uu socdey, iyadoo markii ay 2015 Xuutiyiintu qabsadeen Safaaradda Sucuudiga ee Sanca, iyaga oo ka caraysnaa weerarka uu Sucuudigu hoggaaminayo, waxaa halkaa loogu tegey hub iyo rasaas fara badan oo ay samaysay Israel.

Waxaa la helay dokumentiyo sir ah oo caddaynaya inay Maraykanku doonayaan inay saldhigyo ciidan ka samaystaan jasiiradda Perim Island oo u dhow marinka Badda Bab Al-Mandab, si uu u “ilaaliyo danaha [Maraykanka] iyo kuwa Israel”.

Waxaana jasiiraddaas bilowgii dagaalka gacanta ku dhigay ciidamada huwanta ah ee uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka saaray Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto.

Yeelkeede, Imaaraadka oo Sucuudiga ku khilaafsan arrinta golaha gooni u goosadka ah koonfurta Yaman ee STC oo uu isagu taageero iyo calooshood u shaqaystayaal uu Imaaraadku wato ayaa la sheegayaa inay Israel ku tababarto lama degaanka Negev si ay halkaa u qabsadaan.

Israel ayaa ku guulaysatey inay dalalka ugu badan Khaliijka ka dhaadhiciso inay wajahayaan Iiraan oo ay ”hal cadow” leeyihiin, taasoo ay aqbaleen Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn, waxaana la sheegay inay Imaaraadku yihiin cidda isku xirtey Southern Transitional Council (STC) oo iminka “saaxiibbo is qarinaya” la ah Israel, iyadoo uu Guddoomiye Xigeenka STC, Hani Bin Briek, uu maer sheegay inay Israel soo dhoweysey “inay ka goostaan Yamanta kale.”

Israel ayaa laba ujeeddo ka leh qorshahan; mid waa soo jireen oo waa inay wiiqdo midnimada Carabta iyo Muslimiinta, iyadoo tusaale ahaan taageerta kooxaha Kurdish-ka oo ka go’aya 4 dal oo Muslimiin ah. Qorshaha 2-aad waa inay gacanta ku dhigaan halka laga galo Marinka Bab Al-Mandab oo muhim u ah ganacsiga ka socda ama ku socda koonfur bari Aasiya, Afrika iyo Bariga Fog.

Hadalsame Media ayaa fahamsan in Imaaraadka oo dugge cambaar leh noqday sanadihii dambe, isagoo oo qas ku bilaabay dalal badan oo Muslimiin ah, ay Israel tahay cidda ka dambaysa ee ku adeegsanaysa, iyadoo caadiyan uu Imaaraadku ahaa dal ugu yaraan is qarin jirey.

Waxaana dalalka uu qaska ka wado ka mid ah Somalia oo uu gobollada qaar ku cawarayo DF, si ay u cuurtaanto ama u ragaaddo dowladnimada Somalia.

Hadalsame Media