”Waa buuxinaynaa kaydka heshiis & la’aantii!” – Itoobiya oo Masar runta u sheegtay!

0

(Addis Ababa) 29 Juun 2020 – Wasiir Dibadeedka Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa sheegay qasadka dalkiisa oo ah inay bilaabaan buuxinta kaydka Biya-xireenka Baraarugga, xitaa haddii ay heshiis la gaari waayaan Masar iyo Sudan.

Andargachew ayaase dhanka kale quud darreeyey inay heshiis la gaaraan dalalka Masar iyo Suudaan, isagoo laakiin tilmaamay in ku adkaysiga Masar ee ah inay iyadu ‘koontoroosho” qulqulka biyuhu ay noqon doonto arrin dhibkeeda leh.

“Taa ma yeeli doonno, waayo isha biyaha annaga ayaa iska leh.” ayuu ku dooday.

Itoobiya oo uu kasoo bilowdo Niilka Buluugga ah ayaa $4.6 bilyan oo doollar ku kharash garaynaysa mashruucan, tiiyoo ay Qaahira oo horay u hanjabtey ay ka cabsi qabto in uu yareeyo saamigeeda sad-bursiga ah oo gaaraya 90% marka la isku daro labada webi ee Niilka Cad iyo kan Buluugga oo u wada qulqula dhanka Masar marka ay iskula darsamaan magaalada Umu Durmaan ee dalka Suudaan.

Hadalsame Media