JACAYL JANAB AH: Askari CAASHAQ u caddaystay gabar uu dhalay MW Suuriya oo la la’yahay + Sawirrada gabadha

0

(Dimishq) 30 Juun 2020 – Askari ka tirsan Ciidamada Suuriya ayaa la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay kaddib markii uu shaaciyey caashaq caynka gooyey oo uu u qaaday gabar uu dhalay kali taliyaha Suuriya ee Bashar Al-Assad.

Ninkan oo la yiraahdo, Yazan Soltani, ayaa sheegay inuu jecel yahay Zein Assad, isla markaana uu jeclaan lahaa inuu guursado, isagoo iska indha tiray digniino ay siiyeen ehelkiisa iyo dadka u dhow iyo xitaa dadwaynaha caadiga ah oo u sheegay dhibka uu wajihi karo haddii uu la bareero rabitaanka gabadhan oo 16-jir ah.

Mid ka mid ah muuqaallada ayaa la arkayaa Soltani oo leh: “Waa ku jeclahay. Waan kugu waalnahay. Anigaa ku leh adigaa i leh. Fadlan tayda noqo.”

Wuxuu markale soo muuqanayaa isaga oo xiran tuutaha millateriga, wuxuuna ku dhaaranayaa inuu wax kasta u samayn doono sidii uu ku heli lahaa gabadha Asad.

Soltani ayaa se la waayey todobaadkii hore, iyadoo ay walaashii sheegtay in ay xireen ciidamada nidaamka Asad.

Hadalsame Media