DAAWO: Waraysi la sheegay inuu sabab u noqday dilkii Hachalu Hundesaa (Oromada oo farta ku fiiqaysa qoowmiyad ka tirsan Itoobiya)

0

(Addis Ababa) 30 Juun 2020 – Waxaa weli magaalada Addis ka soconaya dibedbaxyo ka kacay dilkii fannaankii Oromada ee Hachalu Hundesaa, waxaana hadda gebi ahaanba la jaray internet-kii Itoobiya oo idil, si loo xakameeyo casabiyadda kacsan.

Dad badan ayaa isku xiraya dilka fannaanka iyo waraysi uu 22-kii bishan Juun oo todobaad kahor ah bixiyey, kaasoo uu ku codsaday in la burburiyo taallada imbiraadoorigii Miniliq oo ah ninka Amxaareeyey Oromo badan, isagoo Itoobiya Boqor ka sheeganayey min 1889 ilaa geeridiisii 1913-kii.

Hachalu ayaa sidoo kale aad u weeraray nidaamkii Tigreega ee muddada dheer ka talinayey Itoobiya markii uu waraysigan bixinayey, waxaana inay taallada oo haatan dab la qabadsiiyey inay soo ridayaan wacad ku maray waddaniyiinta xag-jirka ah ee u dooda inay Oromadu dal gaar ah noqoto.

Oromada ayaa haatan farta ku fiiqaysa qoowmiyadda Amxaarada oo uu kasoo jeedo Miniliq oo ay aad u neceb yihiin, maadaama uu qabsaday oo xoog ku xukumayey sanado badan, isagoo boqor ka sheegan jirey Gobolka Shewa ee ay Addis Ababa ku taallo oo ah gobol Oromadu leedahay.

Halkan hoose ka daawo waraysiga oo ku baxaya afaan Oromo.

Hadalsame Media