Turkiga oo sameeyey dayuurad qabanaysa howl aad asaasi ugu ah howlgallada ciidamada

0

(Ankara) 30 Juun 2020 – Wershadda Agabka Ciidanka ee SSB ayaa ku dhawaaqday mashruuc ay isla wadaan hay’adda Farsamada Gaadiidka Cirka ee TAI si ay usoo saaraan daroon xamuul ah oo ay marka hore isticmaali doonaan Ciidamada Turkigu.

Ismail Demir, madaxa SSB, ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in labadan hay’adood ee Turkiga ihi ay isu kaashanayaan sidii ay u farsamayn lahaayeen daroonno xamuulka qaada si loo xoojiyo mugga howgal ee ciidamada Turkiga oo halisyo cusub oo amaan wajahaya, sida uu yiri.

Daroonkan ayaa xambaari kara 110 rodol oo iskugu jira hub, rasaas iyo dawooyin, isagoo ku socon kara xitaa cimilada aadka u xun, sida uu Demir sheegay.

Dayuuraddan oo hal saac duuli karta ayaa loogu tala galay ciidamada Turkiga ee ku sugan dhulalka buuraleeyda ah, si ay u daabulaan waxyaabaha yar yar ee aadka loogu baahan yahay xilliyada howlgallada sida hubka, rasaasta iyo dawada, iyadoo markaa kaddib si buuxda loo soo saari doono 2021 si dibedda loogu dhoofiyo.

The aircraft, which will have a one-hour flight capacity, is planned to be used heavily by security forces conducting operations in mountainous terrain. Drones will be used to deliver small equipment that could be needed urgently during operations such as weapons, ammunition and medical supplies.

Hay’aadka TAI iyo SSB ayaa sheegay inay si tartiib tartiib ah u kordhinayaan qaadka dayuuraddan oo ay gaarsiinayaan 330 rodol marka 2-aad.

Hadalsame Media

Facebook Comments