”Mucaarad & muxaafidba waa maamuusaynaa maalintan!” – MW dalka oo dadka la hadlay 60-guurada Xorriyadda (Daawo)

0

(Muqdisho) 25 Juun 2020 – Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-guurada ka soo wareegtay.

”Waxaannu ku jirnaa maalmihii xoriyadda Somalia iyo midowga woqooyiga iyo koonfurta. umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan rag iyo haween, cirroole iyo carruur, mucaarad iyo muxaafad, woqooyi iyo koonfur iyo qaybaha bulshada, waxaan ku boorrinayaa inay qayb ka qaataan maalintan wayn ee aannu 60-jirsanney,” ayuu yiri MW oo ku sugnaa Madaxtooyada dalka.

MW Farmaajo ayaa sidoo kale shacabka ka codsaday inay guryohooda iyo meheradohooda kusoo bandhigaan calanka buluugga ah ee qaranka Somalia, si loo muujiyo maamuuskiisa.

Hadalsame Media