DAAWO: Ruushka oo xusay 75-guuradii Maalinta Guusha + Sawirro (Hub casri ah oo uu soo bandhigay)

0

(Moscow) 25 Juun 2020 – Ruushka ayaa u dabbaal degeye 75-guuradii kasoo wareegtey Maalinta Guusha ee ay ka adkaadeen Nazi-gii Hitler ee kusoo duuley.

Waxaa munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Fagaaraha Cas ee Red Square ee Moscow lagu shaqlay nooc kasta oo cudud ciidan ah, iyada ay halkaa joogeen madaxda sare ee Ruushanka sida Vladimir Putin iyo qaar ka kala socda caalamka.

Waxaa sidoo kale ka qayb qaatay ciidamo ka kala socdey India, China, Serbia, Mongolia, iyo dhowr dal oo horay uga tirsanaa Midowgii Soofiyeeti, kuwaasoo dabcan ka qayb qaatay guushan loo dabbaal degayo.

Maalintan oo ku beegan Maajo 9, balse karoonaha dartii dib u dhacday, ayaa ah mid ka mid ah maalmaha qaran ee ugu muhiimsan taariikhda casriga ah ee Ruushka, waayo waa maalintii ay ka adkaadeen Nazi-gii Jarmanka oo mar sigay inuu iyaga qabsado Dagaalkii 2-aad ee Adduunka, iyadoo maalintan lagu maamuuso askartii Ruushka difaacdey ee dagaalkaa ku dhimatay, isla markaana lagu soo bandhigo awoodda ciidan ee Ruushka.

Millateriga Ruushka ayaa sanad kasta bandhiggan kusoo kordhiya sheek ku cusub cududda ciidamada, waxaana waxyaabaha sanadkan cusub ka mid ah gaariga cusub ee Aurus Cabriolets oo loo sameeyay saraakiisha ciidamada dalkaasi iyo Madaxwayne Putin oo xafladdan ka khudbeeyay.

Waxaa kale oo lasoo bandhigay T-34 oo lasoo cusboonaysiiyey balse ka qayb galay Dagaalka loo dabbaal degayo, taangiga T-14 Armata, Kurganets-25, gantaal ridaha Yars ICBM, miigagga Su-35, Su-30 iyo jiilka ugu dambeeya ee Su-57, diyaaradaha culus ee Tu-95 iyo Tu-160 iyo Tosochka oo ah holac tuurihii cuslaa ee TOS-1 oo la fududeeyey iwm.

HOOS KA DAAWO….

Hadalsame Media