DHEGEYSO: Sweden oo qiratay in bukaannada laga dawaynayo Covid-19 ay qabsato arrin cuuryaamin karta!

0

(Stocholm) 24 Juun 2020 – 3 meelood oo hal meel ka mid ah bukaannadii qabey cudurka Covid-19 ee u baahnaa daryeelka deg degga ah (IVA-Patienter), gaar ahaan bilihii Maarso, Abriil iyo Maajo, ayaa la sheegayaa inay iska yaalleen wax ka badan 30 maalmood, sida ku cad tirakoob ay samaysay hay’adda ku qaybsan daryeelka bulshada ee  Socialstyrelsen.

Qaar badan oo dadkaa ka mid ihi waxay iyaga oo suuxsan oo uu neef-siiye ku xiran yahay isla markaana aan dhaqaaqi karin yaalleen qaybta daryeelka deg degga ah (IVA), waxaanay taasi caqabad wayn ku tahay jirka insaanka oo aan loogu tala gelin inuu mudadaa dheer meel iska yaallo dhaqaaq la’aan.

Caadiyan marka uu bukaanku iska yaallo isagoo suuxsan, wuxuu 10-ka maalmood ee ugu horreeysa durba maalintii luminayaa 3% ka mid ah cufka murqihiisa, iyadoo sidaa ku soconaysa inta uu dhaqdhaqaaq la’aan yaallo oo dhan. Si gaaban 3% ka mid ah cufka ama culayska murqihiisa ayaa lumaysa maalin kasta, taasoo ka dhigan inuu qofku sii daciifayo markasta oo uu sii yaallo. David Hellgren Svae markale.

Hadalsame Media