”Waa been abuur!” – Guddoonka Aqalka Sare oo soo saaray go’aan culus weerarna ku qaaday Aqalka Hoose (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 24 Juun 2020 – Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamanka Dhexe, Md Cabdi Xaashi ayaa been abuur ku tilmaamay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga Isku Dhafka ah ee labada aqal.

Guddoomiye Xaashi ayaa ku doodaya in hindisahan la horgeeyey Golaha Shacabku uu si cad u baalmarsan yahay go’aankii Guddiga Isku dhafka ah lagu magacaabay 28-kii bishii Febraayo ee horraantii sanadkan, isla markaana uu ku xadgudbayo hannaanka xeer dejinta dalka, isagoo kalsooni daro ka dhex ridaya hey’adaha kale ee Dowladda Federaalka, sida uu ku dooday.

Wuxuu Guddoonka Aqalka Sare sidoo kale u jeedinayaa Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Xaliimo Yareey, in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21-ka go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu khuseeynaya afartan sharci ee laga been abuuray, sida uu sheegayo.

Wuxuu sheegay in marka qura ee ay ansax tahay in la isticmaalo ay tahay marka la saxo afartan xeer ee la hor geeyey Golaha Shacabka, lana waafajiyo Dastuurka Dhexe ee dalka Somalia.

Lama oga awoodda uu sharciyan go’aanno siyaasadeed iyo kuwo sharci ah kusoo saari karo Guddoonka Aqalka Sare, maadaama ay guddoonnada Baarlamanku raacaan waxa ay u codeeyaan xildhibaannadu, balse arrintan ayaa ah waqcad cusub oo soo korodhay.

Hadalsame Media