DEG DEG: Ciidamo Turki ah oo ay qabsatay rasaas ka timid dhanka Iiraan (Dhimasho & dhaawac soo gaarey)

0

(Yuksekova) 24 Juun 2020 – Hal askari oo Turki ah ayaa ku dhintay halka ay laba kalena ku dhaawacmeen koonfur bari dalkaasi kaddib markii ay qabsatay rasaas ka timid dhanka xadka Iiraan.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkigu, waxay ciidamadi samaynayeen howlgal sahmin iyo sirdoon ah oo ay ka wadeen magaalada xadka dhacda ee Yuksekova oo ka tirsan gobolka koonfur bari ee Hakkari, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar.

Turkey ayaa kooxda PKK kula dagaallama xadka uu la wadaago Suuriya iyo Ciraaq, balse dhanka Iiraan xaalku inta badan waa degganaa, lamana yaqaan cidda rasaastan soo furtay.

Wixii dheeraad la soco…

Hadalsame Media