ARAGTI WAALAN: Ciidamada GNA oo lagu eedeeyey inay ”qabsan” rabaan Ahraamta Masar!

0

(Benghazi) 24 Juun 2020 – Ciidamada daacadda u ah Dowladda Libya ee GNA ayaa lagu eedeeyey inay qorshaynayaan qabsiga Ahraamta Masar, sida uu ku doodayo Afhayeenka Ciidamada LNA ee Jeneraalka hoggaamiye kooxoobey ee Khalifa Haftar.

Haftar, oo ay Masar taageerto, ayaa khasaarooyin is xig xiga kala kulmayey kuwa GNA, iyada oo gebi ahaanba laga soo nadiifiyey Galbeedka Libya oo ay ku taallo caasimadda Tripoli, iyada oo ay ciidamadiisu isugu gurteen dhanka bariga.

Yeelkeede, afhayeenkiisa Ahmed Al-Mismari, ayaa sheegay inuu maalin kasta helo farriimo ka imanaya dhanka GNA oo uu Turkigu taageero oo u dhigan ‘waxaannu iman doonnaa Siinaay iyo Ahmaamta Masar oo aannu magacyadeenna ku qori doonno’”.

Al-Mismari ayaa raaciyey: “Farriimahaasi way gaareen Masar, argagixisada fadhida magaalooyinka Misrata iyo Tripoli, waxay ku taamayaaan inay gaaraan Ahraamta, Siinaay iyo Qaahira.”

MW Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa Sabtigii sheegay inay Ciidamada Masar awood u leeyihiin inay difaacaan amaanka dalkaasi gudo iyo dibedba, isagoo u jeediyey inay is diyaariyaan, waloow uu warkan afhayeenku u muuqdo baaq quus ah oo uu ku doonayo inay Masar caawiso ciidamada LNA ee uu xaalku ku xun yahay, taasoo aan iminka Masar u sahlanayn. GNA ayaan sidoo kale haatan xitaa ku riyoon karin inay qabsadaan meelahaasi.

Hadalsame Media