Caa’isha Romano oo ka hadashay sida ay u aragto Islaamka ay qaadatay

0

(Milano) 24 Juun 2020 – Waxaa 9-kii Maajo lasoo furtay Silvia Romano oo 18 bilood kahor laga soo qafaashay dalka Kenya, iyadoo u shaqaynaysey hay’adda samafal ee Africa Milele, 20-kii Nofeembar 2018 iyadoo ku sugnayd tuulo faqri ah oo Chakama la yiraahdo oo ilaa 356 KM u jirta caasimadda Nairobi.

Silvia ayaa isla maalintii xigtayba Talyaaniga ka degtey iyadoo ku joogta dayuurad gaar ah, ayaa waxaa soo dhoweeyey Dowladda Talyaaniga ee Roma saldhigata, walaasheed iyo waalidkeed iyadoo u gudubtey magaaladeeda Milano oo ay dersaantu u sacbinayeen, kaddib markii ay meel 30 km Muqdisho u jirta kasoo furteen ciidamada gaarka ah ee Somalia, Turkiga iyo Talyaaniga.

Yeelkeede, waxaa aad cinwaanno u samaysay oo ay arrin kaleba ka dhex dhalatay in ay Silvia Muslimtay oo ay qaadatay magaca Caa’isha, taasoo u qurqusami waydey kooxaha asal raaca ah, kuwa muxaafidka ah iyo kooxaha cunsuriga ah ee midigta fog ee Islaamka iyo dhaqamada qalaadba neceb.

Shalay ayay Caa’isha Romano, waxay markale ku celisey inay aad ugu qanacsan tahay Diinta Islaamka ee ay qaadatay iyadoo tiri sidatan: ”Assalaamu calaykum dhamaan Muslimiinta dunida. Waxaan ku faraxsan ahay in aan Muslinnimada qaatay waayo anshaxa wanaagsani waa qurux, xijaabkuna waa furihii jannada.”

Hadalsame Media