DEG DEG: Aadan Ducaale oo laga xayuubiyey xilkii Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Xidsbiga Jubilee

0

(Nairobi) 22 Juun 2020 – Aadan Barre Ducaale ayaa laga eryey xilka Hoggaanka Aqlabiyadda Xildhibaannada Baarlamanka ugu jira Xisbiga Jubilee, sida kasoo baxday kulan uu shir guddoominayey Uhuru Kenyatta.

Waxaa lagu bedeley Amos Kimunya, halka Aadan Kaynaan laga dhigay Xoghayaha cusub ee Jubilee.

Waxaa isbeddelkan akhriyey Emmanuel Wangwe, isla markii uu kulanka yimid, waxaa sidoo kale kulanka fadhiyey Madaxwayne Xigeenka, William Ruto, balse waxaa maqnaa xildhibaannadii isaga la ologga ahaa oo inta badan iyagana la cayriyey.

Kulanka oo socdey 30 daqiiqo, isla markaana aan su’aalo iyo hadal toona lahayn, ayaa waxa ugu wayn ee kasoo baxay waxay ahayd cayrinta Ducaale oo ay 130 xildhibaan mooshin hoosaad ka gudbiyeen, iyaga oo ku eedeeyey inuu kharribayo ajendaha Jubilee.

Hadalsame Media