”Wuxuu igu xirtey musqusha kaddibna…!” – Gabar Soomaali ah oo noqotay qofkii ugu horreeysey oo si furan usoo bandhigta tacaddiyo jinsi oo ku dhaca dumarka

0

(Minneapolis, MIN) 22 Juun 2020 – Muna Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo iminka 23-jir ah ayaa bannaanka soo dhigtay meel ka dhac jinsi ah oo ay la kulantay iyada oo 19-jir ahayd.

”Habeenkii ay taasi igu dhacday waxaan doonayey inaan dhinto,” ayay tiri Muna.

Waxay sheegtay in wiil wiil ay Dugsiga Sare isla dhigan jireen uu khasab ku geliyey musqusha wiil saaxiibkii ah, kaddibna uu albaabka xirey, shaatigana uu xoog uga siibey, isla markaana uu ku tuuray sagxadda musqusha isaga oo deeto kula kacay tacaddi jinsi ah.

“Waxaan dareemay ceeb. Ma aqoonin si aan uga hadlo iyo inuu jiro qof i rumaysanaya ama i caawinaya.” ayay ku calaacashay muna.

Shilkan ayaa dhacay Maarso 26, 2016-kii, waxayna Muna iminka uun go’aansatay inay hadasho, waana gabadhii ugu horreeysey ee ka mid ah bulshada Soomaalida iyo Oromada Minnesota ee u bareerta inay arrintan ka hadasho.

In ka badan 5,000 oo qof ayaa sii faafiyey tweet-keeda, waxaana sidoo kale bilowday dhaqdhaqaaq la mid ah sidii midii ”ME TOO”, oo ay dumar badan oo Soomaaliyeed uga cabanayaan tacaddiyo jinsi oo lagula kacay carruurnimadoodii, kufsi, taataabsi iyo taxambaysi ay qaar ka sheegteen xitaa macallimiintooda, waxaana hiillo u muujiyey dumar badan oo sheegay inay dagaalka la gelayaan.

“Waxaan qaati ka joogaa dhaqankan ceebeeynaya dhibbanaha.” ayay Muna u sheegtay Sahan Journal.

Hadalsame Media