QM oo DACWAD kusoo oogi karta rag uu ugu horreeyo Cali Maxamed Geeddi

0

(Muqdisho) 22 Juun 2020 – Hay’adda Qaramada Midoobay (QM) oo war ka soo saartay koox ay ku eedeeynayso inay magacooda u adeegsatey si khalad ah oo ku sugan Somalia.

United Nations Academy of Somalia, ayaa waxaa geed fadhi u ah oo hoggaamiya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Md Cali Maxamed Geedi, waxaana qoraalka kasoo baxay QM lagu sheegay in aanu jirin haba yaraatee wax xiriir ah oo ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

”Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta QM waxay kaliya u dhowran tahay ciddii u marta geeddi socod adag ee deeto rukhsad qoran oo saxiixan ka haysata QM, gaar ahaan Xoghayaha Guud ee ururkaasi.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay QM.

Waxaa uu qoraalku intaa raacinayaa in UNAS aanay marin wadiiqadaa isla maraana aanay fasax u helin adeegsida astaanta iyo magaca QM, balse ay tahay hay’ad leh ujeeddooyin ganacsi oo iyada u gaar ah, marka la eego baxaalliga shaqadeeda.

Xafiiska QM ee Somalia ayaa isna sheegay in aanu jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya UNAS, waxaana loo jeediyey inay joojiyaan adeegsiga astaanta iyo magaca QM, haddii kale laga qaadi doono tillaabo sharci ah oo caalami ah.

Hadalsame Media