Aadan Ducaale oo lagu jees jeesay & jar loo degey Isniinta

0

(Nairobi) 20 Juun 2020 – Madaxa Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya, Md Aadan Ducaale, ayaa u muuqda nin galbanaya kaddib markii ay ilaa 130 Xildhibaan saxiixeen mooshin ka dhan ah oo lagaga xayuubinayo xilkan oo uu hayey tan iyo 2013-kii.

The Standard ayaa ogaadey in MW Uhuru Kenyatta, oo ah hoggaanka Xisbiga Jubilee Party, uu isaga oo Madaxtooyada jooga shirin doono xubnaha Baarlamanka ugu jira (PG) Isniinta, iyaga oo iskugu imanaya (KICC), wuxuuna soo bandhigayaa hoggaanka cusub ee Xisbiga.

“Baal-tifku wuu soconayaa. Hoggaanka Xisbiguna wuxuu ku baaqay shir Isniinta albaabka lagu tusayo Mr Ducaale,” ayuu xubin xog ogaal ah kasoo xigtey The Standard.

Mr Ducaale ayaa u muuqda nin waayey kalsoonida Xildhibaannada Xisbigiisa oo ay ku jiraan qaar badan oo u ciil cunsan. Guddoon Xigeenka, David Murathe, ayaa si jees jees ah u sheegay in ay Xildhibaannada xisbigu ”ka xiise dheceen Ducaale”.

“Haddii aanad taageero ka haysanin inta badan xubnaha xisbiga, iskuguma yeeri kartid hoggaamiyaha aqlabiyadda.” ayuu yiri Murathe, oo ah olog uu aad ugu kalsoon yahay Madaxwaynuhu.

Kulan dhacay Talaadi, 2-dii Juun ayaa sidoo kale xilalka looga tiriyey  Benjamin Washiali iyo xigeenkiisii Cecily Mbarire iyadoo lagu bedeley Xildhibaanka Navakholo MP ee Emmanuel Wangwe iyo Xildhibaanka Igembe North MP, Maoka Maore, sida ay u kala horreeyaan.

Yeelkeede, Ku xigeenka Ducaale, Jimmy Angwenyi ayaa booskiisa loo daayey, halka Xildhibaanka Kipipiri MP, Amos Kimunya loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Jubilee.

Hadalsame Media