MW Puntland oo Gaalkacyo ku wajahan & kulan xasaasi ah oo uu la qaadanayo MW Galmudug (Ciidamada DF oo…)

0

(Garoowe) 20 Juun 2020 – Madaxweynaha Puntland, Md Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu soo warramayaa inuu u bixi doono safarkiisii 2-aad ee uu galo tan iyo markii xilka loo doortay horraantii Jannaayo 2019-kii, sida ay wararku sheegayaan.

MW Deni ayaa safarkan ugu socdaalaya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaas oo ay isku arkayaan MW Maamul-goboleedka Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Labada nin ayaa ka wada arrinsanaya arrimo ay ugu mudan yihiin ammaanka gobalka Mudug oo haatan u kala qaybsan maamullada Puntland iyo Galmudug, isla markaana beri dhowayd lagu diley Guddoonkii Gobolka ee dhanka Puntland.

Xogtu waxay intaa raacinaysaa in ujeeddooyinka safarka Deni ay ka mid yihiin inuu magacaabo Guddoomiyaha Gobalka Mudug qaybta woqooyiga, waxaa uuna la kulmi doonaa qeybaha bulshada.

Magaalada Gaalkacyo dhankeeda woqooyi ayaa la sheegayaa in uu amaanku kasoo raynayey maalmihii ugu dambeeyey, kaddib howlgalo wadajir ahaa oo ay wada sameeyeen Ciidamada Puntland & kuwa DANAB ee DF Somalia.

Hadalsame Media