DHAQAN XUMO: Arrin WEJI-GABAX ku ah Soomaalida, waalidiin badan oo ka dhacday dalka Ingiriiska

0

(Bristol) 20 Juun 2020 – 13 wiil oo wada Soomaali ah ayaa lagu helay dembi tacaddi jinsi ah oo ay kula kacayeen hablaha yar yar ee dagan oo ay qaarkood aad u yar yihiin ilaa 13-jir.

Dembi-baarista Bristol oo arrintan gacanta kula jirta ayaa sidoo kale baadi goobaysa 49 kale oo la tuhunsan yahay.

Dhibanayaasha, oo ay qaarkood gacanta ku hayso Dowladda Hoose, ayaa la isu dhiidhiibey, iyada oo lacag lagu soo xero gelinayo, waxaana lagula tacadiyey meel kasta min guri, hoteel iyo xitaa beeraha lagu nasto.

Mid ka mid ah hablaha waxaa la kufsaday iyada oo 13  jir ah, waxaana habeen qura u galmooday 13 nin oo kala duwan, oo uu ku jiro nin iska socdey, waxayna baqdin ka qabtey inay halis geleeyso haddii ay Booliiska u dacwooto.

Gabar kale, waxaa lagula kacay dhiig miirad jinsi, kaddib markii ay Dowladda Hoose dayacday iyada oo la dejiyey guri ku yaalla bannaanka  Bristol iyada oo 16-jir ah, balse uusan garaadkeedu ka waynayn 3 sano jir.

Isla markii ay timidba waxaa arkay qolyaha daroogada iibiya oo markiiba gurigeeda ka dhigtay xarun ay ka howlgalaan, waxayna ku khasbeen dhillaysi, iyadoo uu tacaddigu soconayey muddo bilo ah, xitaa kaddib markii ay Dowladda Hoose u sheegtay waxa socda; waxaa xitaa isla gurigeeda lagu kufsaday gabar 14-jir ah oo iyada la dhalatay oo mar soo booqatay.

Saacad wareeg bidix sare: Abdirashid Abdulahi, Mohamed Dahir, Liban Abdi, Jusef Abdirizak, Mohamed Jumale, Abdulahi Aden, Arafat Ahmed Osman iyo Idleh Osman, waa 8 ka mid 13 wiil oo ay xukuntay maxkamadda Bristol Crown Court.

Hadalsame Media