Maxay ugu dambayn ku dhamaan doonaan wada hadallada DF & Somaliland? Wasiir ka tirsan DF oo KASHIFAY! (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 19 Juun 2020 – Waxaa xalaytoole magaalada Muqdisho kusoo noqday Guddigii Wadaxaajoodka DF Somalia & Somaliland ku metelayey Shirka Jabuuti, kuwaasoo uu hoggaaminayo RW Xasan Cali Khayrre.

Waxaa shirka si wanaagsan u faahfaahiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Inj. Cabdi Maxamed Sabriye, kaasoo ku dheeraaday geeddi socodkii shirka iyo wixii ay qabteen intii ay halkaa joogeen. Waxaa sidoo kale meesha ka hadlay qaar kale oo ka mid ahaa guddiga.

Yeelkeede, waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka,  Inj. Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo ku nuuxnuuxsaday waxa uu shirkani shirarkii hore uga duwanaa iyo waxa ugu dambaynta laga filayo.

”Waxaannu rajaynaynaa in Guddiyada la saaray ay wax wayn ka qaban doonaan isu soo dhowaanshaha labada dhinac, marka dambena la gaari doono YOOLKA ah in Soomaali dib u midowdo.” ayuu yiri Injineerku.

Halkan hoose ka dhegeyso.

 

Hadalsame Media