Halkee u DAN leeyihiin CUDUDAHA Jabuuti hoganaya? Dalka loo socdo waa Somalia waana la caddeeyey!!

0

(Jabuuti) 19 Juun 2020 – Joogitaanka sii kordhaya ee Shiinaha ee dalka Jabuuti ayaa sare si aan caadi aheyn ugu qaadey dareenka ku saabsan yaraankan Qaarada Afrika ee leh Dekadda (Jabuuti).

Tani waxey abuurtey dood ku saabsan is-balaarinta iyo ujeedooyinka caalamiga ah ee Xukuumadda Beijing. Ciidamada Shiinaha ayaa markoodii ugu horeysay saldhig ka sameystey Jabuuti sanadkii 2017-kii.

Tani waxay ahayd bilowga markii ugu horeysay Shiinaha oo qaadey tallaabo naadir ah oo la xiriirta Siyaasaddisa militari ee dibedda. Howgalka Ciidamada Badda ee Shiinaha waxaa uu aad ugu muuqdaa kaabigana ku hayaa Saldhiga Ciidamada Mareykanka ee ku yaala Jabuuti. Labada dal waxaa u dhaxeeya loolan adag oo dhanka Milatariga iyo dhaqaalaha ah.

Goobtaani waa meel aad muhiim ugu ah isku socodka gaadiid badeedka waana meel aad u mashquul badan. Imaanshaha Ciidanka Xoreynta dadka ee Shiinaha ee loo yaqaano (PLA) waxay abuurtey dood cusub oo salkeedu yahay ujeedada fog iyo arragtida Ciidan ee Shiinaha sida cudada horrumarka dhanka Badda, iyo awoodaha ciidan ee looga baahanyahay fulinta howgalada dibeda.

Intaas kaliya ma ahan ee sidoo kale waxa jira dareen laga qabo maalgalinta dhaqaale iyo luga baxsiga xukuumadda Beijing ee gobolka Badda Cas. Marka la isku geeyo is-balaarinta Istaraatiijiyadeed iyo midka ganacsi ee Shiinaha waxa ey arrintaas walbahaar ku abuurtey amniga Qaranka Mareykanka iyadoo sidoo kale daaha ka rogtey xifaaltanka quwadaha tunka weyn ee ka soo bidhaameysa Badda Cas. Jabuuti waa dal kulul, qalalan, oo leh wax xoogaa Qeyraad dabiiciya.

Laakin waxaa uu ku yeela meel muhiim u ah caalamka iyo gobolka waxaana Dekaddiisa oo ku dhextaala Badda ku sugan xoogag caalamiya sida Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jabaan, Talyaaniga, Isbeyn. sidoo kale Raashka, Hindiya iyo Sucuudiga ayaa ka mid ah kuwa daneeya. Jabuuti waxay hoy u tahay hal Milyan oo muwaadiniinteeda ah, dhulkeedana baaxad ahaan kama weyna Vermont oo tuula Mareykanka.

Wax soo saarkeeda ama waxa loo yaqaano GDP waa Hal Bilyan oo doolar Sanadkiiba. Labo saac kaliya ayey warshadaha iyo shirkadaha Shiinaha ku qaadataa inay ku sameeyaan dhaqaale intaas la eg. Shiinaha iyo Jabuuti ma ahan wax la isla meel dhigi karo waxayna u muuqataa in Shiinuhu si darran Mashaariic kaga fulinayo Jabuuti si kaabayaasha dhaqaale uu kor ugu qaado, laakin taasi waxaa loo arkaa in Shiinuhu si dad badan u qaameynayo hantida ma guurtada ah ee Jabuuti.

Guud ahaan tani waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo “debt trap diplomacy” waana diblamaasiyad ku dhisan inaad dal kale Deyn ooda uga qaado si mustaqbalka hanti kasta oo dalkaasi leeyahay kuugu nuglaato. Deymaha Shiinaha, heshiisyada dhismaha, maalgashida kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika ee inta badan ku teedsan aaga Badda Cas, kaasoo loo soo gaabiyo (BRI) oo u taagan “Belt and Road Initiative” ayaa ah waxa hadda aad looga doodayo. Dooda waxa aad u riixaya farqiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha marka laga hadlayo saameyntooda Gobolka. Xukuumadda Washington iyadu waxay xooga saartaa arrimaha amniga Geeska Afrika, laakin Beijing iyadu dhinacyada Horrumarinta ayey xooga saartey, dooduna waa yaa ka faa’iideysanaya horrumarintaas?

Waxgaradka Jabuuti ayaa aaminsan in maaliyadda Shiinaha, Taknoolajiyada iyo xajmiga ganacsiga uusan dalkooda kaliya ka dhigi doonin Singabuurtii Afrika (Singapore of Africa), laakin uu karaarin karo kobaca iyo isdhexgalka gobolka, doodaas oo ah mid Beijing madaxa u ruxeyso, gadaalna ka riixeyso. Laakin arragtida kale ee himiladaas ka soo horjeeda waxay leedahay Jabuuti iyo dalalka deriska ah waxay u nugul yihiin galaangalka Shiinaha ee xad dhaafka ee wax soo saarka gudaha. Waxay sidoo kale ka welwelayaan in Jabuuti si la mid ah dalalka kale ee sida weyn u soo dhaweeyey Beijing halis u gasho deyn fara badan taasoo halis ku ah danaha Mareykanka ee Jabuuti.

Geesta kale, saf-mareenka COVID-19 iyo saameynta hoos u dhaca qulqulka badeecadaha caalamiga ah ayaa waxyeelo u geystày dhaqaalaha Jabuuti billihii ugu horeeyey sanadkaan 2020. Taasi waxay bixineysaa saadaal kale oo hor u dhac u ah saameynta waqtiga dhow ee Mashaariicda dhismaha Jabuuti iyo Shiinaha, taasoo sidoo kale taabaneysa Wax soo saarka gudaha Jabuuti Waqtiga fog.

Walaaca khuburada Istaraatiijiyadda Mareykanka waxaa sare u sii qaadaya musuqa iyo dowlad xumada harreysay nidaamka siyaasadeed ee Jabuuti, halkaasoo Madaxwayne kaligitaliye lagu sifeeyey iyo kooxdiisu geed fadhi u yihiin taĺlaabooyinka shirkadaha isgaarsiinta Shiinaha.

Tani waxay Jabuuti ka dhigtey aag ama goob ay ku tartamaan Galbeedka iyo Shiinaha, iyagoo adeegsanaya tabo kala duwan oo ku saabsan Dowladnimada, Dhaqaaha, Horrumarka iyo in awoodu eysan hal dhinac gacanta u galin oo aysan ku amar taagleyn inta kale.

Somalia oo ah dal laftiisu istaraatiji ah, qayb ka badan tan Jabuutina ka kulaala Badda Cas oo ay usii dheer tahay Badwaynta Hindiya, ayaa laftiisu u muuqda mid isha lagu hayo iminka, sida ku cad waraysi uu bixiyey Donald Yamamoto kana muuqatey Shirkii Jabuuti.

Marka aad eegto dalalka jooga iyo kuwa iminka u miciyo jirriqsanaya saldhig ka dhigashada Jabuuti, dad badan ayaa rumaysan in dalalkan Jabuuti iminka hoganaya ee iminka ah quwadaha dhaqaale iyo kuwa ciidan ee caalamku iyo kuwa soo socdaa, aanay Jabuuti u dan lahayne ay isha ku hayaan Somalia oo ah dal khayraad fara badani ceegaago istaraatijiyadna ku darsatay, balse aan nasiib xumo lahayn siyaasiyiin HAN & HIRAAL fog leh oo ka shaqaysiin kara Somalia, si ay u istaagto maqaamka ay dunida ka mudan tahay lafaheedana uga ilaashato COOMAADDA dul hoganaysa.

This photo taken on August 1, 2017 shows Chinese People’s Liberation Army personnel attending the opening ceremony of China’s new military base in Djibouti.
China has deployed troops to its first overseas naval base in Djibouti, a major step forward for the country’s expansion of its military presence abroad. / AFP PHOTO / STR / China OUT (Photo credit should read STR/AFP via Getty Images)

Waxaa Diyaariyey : Mohamed Odowaa & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media