”Wuxuu igu yiri waan ku baasinayaaye ila BAASHAAL!” – Arrin murugo badan oo Muqdisho ka socota (Sheeko run ah)

0

(Muqdisho) 19 Juun 2020 – Waxaa sheekadan Hadalsame soo gaarsiiyey qof ehel la ah gabadha ay arrintan naxdinta lihi ku dhacday, iyada oo nalaka codsaday in aan la carrabaabin qofka ay ku dhacday. Waxay ku bilaabanaysaa sidatan:

”Waan dhameystay jaamacada waana ka mahad celinayaa, waxaan qorsheeynayaa in aan guursado, balse nasiib darro jaamacadda intaan dhiganayay waxaa jiray dhibaatooyin badan oo aan la kulmayay iyo weerar dhanka macallimiinta igaga imaanayay oo ah damacooda galmo maadaama aan ahaa ”gabar quruxbadan”.

”Si walba ayaa la isugu dayey in xumaan la igu sameeyo, nafteyda oo adag iyo Ilaah oo aan aaminey ayaa ii sahashey in aan ka fakado dhagar badan oo ay ii maleegeen macallimiin iyo ardayda qaar oo rabey in ay sharafteeyda ku ciyaaraan, iyagoo markaa igaga faaideeysanayay, duruurfta ardaynimo iyo waxbarashadeyda iyo maaddooyinka qaar oo igu cuslaa.

”Galab ayuu midkood igu yiri iigu imoow xafiiska arrin baa jirta imtixaankaaga ku saabsan, galabtii markii aan tegey xafiiska ayuu qol ila aaday wuxuuna ii sheegay in maadadiisa aan ku dhacay xalna uu ii hayo, taas oo ah in aanan ka welweli doonin maadadiisa haddii aan ”la baashaalo” kulamo badanna aan sameeyno.

”Waan xishooday, dhulka ayaa ila wareegey, waxaan sheego ayaan garan waayay, kaddibna waan ooyey ciil dartiis, arrintiina waan sheegi waayay oo meeshii ayaan ka soo tegey, saaxiibteey ayaan arrintii la wadaagay oo u sheegay waxa la igula kacay, waxayna igu tiri ”anigaba waa la igu sameeyay arrintaas aysanna ogeyn sida ay wax ka noqdeen, balse iyada danihii la lahaa laga fushadey.

”Runtii magaalada Muqdisho (iyo dabcan meelo kale) waxaa ka socda arrin yaab leh, oo aad dhibaato ugu ah nolosha dambe iyo mustaqbalka gabdhaha, waxaana aad u yar oo aan la hubin tiraha gabdhaha ilaashaday sharaftooda. Waxaan internship u joognay isbilaal ka mid ah kuwa Muqdisho aadka looga yaqaanno dowladuna ay maalgeliso.

”Habeenkii waxaa laga kaxeeysan jiray hablo badan oo gawaari cad lagu qaato walaalidkuna ay ku ogyihiin internship habeenkii ah (Night shift). Balse shifti kale aadayey. Waxaan maamulka jaamacadaha aan ka baryayaa, si sharaf lehna aan uga codsanayaa in aan gabdhaha Soomaaliyeed sharaftooda looga badalinin ”cashar ayaan kaa caawinayaaye ila tumo”, ama ”maadadeeyda kuma dhaceeyside ila raaxeeyso.”

”Fadlan haddii aad farriinteydan aragtaan sii faafiya.

Waxaa Qortay: Gabar u digeeysa asaaggeed

Hadalsame Media