Maraykanka oo tillaabo yaab leh oo mid aan ”la aqbali karin” lagu tilmaamay ugu hanjabey Jarmanka!

0

(Washington, DC) 16 Juun 2020 – MW Donald Trump ayaa xaqiijiyey war sheegayey inuu ciidamo ku dhow ilaa 10,000 kala bixi doono Germany, isagoo sheegay in Berlin lagaga baahan yahay in ay kasoo baxdo waajibka ka saaran NATO haddii ay doonayso inuu Maraykanku dalkeeda sii joogo.

Waxaa Maraykanka ka jooga dalka Jarmanka ilaa 34,500 oo askari, waxaana weli halkaa kusii haraya 25,000, iyada oo ay Bentagon-ku qabaan amar Madaxwayne oo ah in ay soo saaraan ilaa 95,00 oo askarii, balse lama oga inay si rasmi ah u bixi doonaan iyo inay KMG tahay.

Warku wuxuu sheegayaa inay u wareegi doonaan dhanka Poland, waloow ay jiraan warar kale oo sheegaya in Washington iyo Warsaw aysan weli ku heshiin tibxaha heshiis uu Maraykanku ku doonayo saldhigyo rigli ah oo uu halkaa ku yeesho.

Xubnaha NATO ayaa xilligii Maamulkii Obama ku heshiiyey inuu dal kasta 2% ka tirsan GDP-giisa u qoondeeyo ciidamadiisa, balse waa arrin kasoo dhalaaleen dalal aad u yar, kuwa uu Jarmanku ku jirana ay ku fashilmeen sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga r Annegret Kramp-Karrenbauer oo ballan qaaday in Berlin ay halkaa gaari doonto ugu dambayn 2031-ka.

Berlin iyo Washington ayaan beryahan isku il wax ku eegin gaar ahaan muddo xileedka Trump, iyada oo uu Peter Beyer wax “aan la aqbali karin ku micneeyey in dal ay xulufo yihiin uu iska dhaqaajiyo isaga oo aan xitaa iyaga ku wargelin,” sida uuu Peter Beyer, oo olog la ah Angela Merkel u sheegay Rheinische Post.

Maraykanka ayaa Jarmanka fadhiyey tan iyo 1945-kii iyaga oo markii hore ahaa ciidan xoog ku jooga, markii dambena galay dalladda NATO. Yeelkeede, waxay iska sii joogeen kaddib midowgii labada Jarman iyo dib u gurashadii Soofiyeetka 1991-kii.

Hadalsame Media