3 askari oo Hindi ah oo dhintay kaddib markii ay is fara saareen Ciidamada Shiinaha & Beijing oo digniin dirtay

0

(Beijing) 16 Juun 2020 – Ilaa 3 askari oo Hindi ah oo uu mid sarkaal yahay ayaa ku dhintay iska hor imaad tacshiirad la is huwiyey oo xadka Hindiya iyo Shiinaha ku dhex maray ciidamada labada dal, sida ku cad war kasoo baxay dhanka New Delhi.

Shilkan oo ay Beijing ku doodayso inay Hindiya oo xadka kasoo tallowday u sabab tahay ayaa ka dhacay Dooxada Galwan Valley ee Kashmir, iyada oo ay saraakiisha ciidan ee labada dhinac u guntadeed inay xaaladda dejiyaan.

Shiinaha ayaa sheegay inay Ciidamada Hindidu ”xabad ku fureen” kuwa Shiinaha, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, Zhao Lijian, oo sheegay inay shalay 2 jeer xadka soo dhaafeen Hindidu wax uu ku sheegay “weerar daandaansi ah”, isaga oo Hindiya ugu baaqay inaysan qaadin tillaabo hal dhinac ah oo xaaladda sii murjin karta.

Hadalsame Media