Culimada sayniska oo caddeeyey in haweenka Soomaalidu, Islaamku yihiin kuwa ugu nadiifsan caalamka (Daraasad yaab leh)

0

(Hadalsame) 16 Juun 2020 – Haweenka Islaamka ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu nadiifsan caalamak, sababtuna waxay tahay marka ay kala tagaan ninka waxay tirsataa cuddo dhan ugu yaraan 3 bilood ama 3 caado, carmasha uu ninku ka geeriyoodana waxay tirsataa 4 bilood iyo 10 maalmood, kahor inta aanay nin kale nabadda ka qaadin.

Haddii ay uur leedahay, waxay sugaysaa tan iyo inta ay ka dhalanayso ilmaha ay siddo, arrintan ayaa ka fajicisey culimada SAYNISKA casriiga ah, kaddib markii ay ogaadeen raadka ay reebto shahwawada raggu (man imprint).

Dareeraha uu ninku ka tegayaa waxay ka kooban yihiin 62 nooc oo barotiin ah, waana kala duwan yihiin ninba midka kale, sida faraha la iska qaado, sidaa darteed, haddii ay haweenaydu markiiba nin kale la fal-gasho, waa sida adiga oo kombiyuutarkaaga fayrus kusoo fasaxay.

Waxay keenaysaa xaalad miisaan daran iyo caabuqyo khatar ah.

Sida uu saynisku caddeeyey, meertooyinka caado ee yimaada kaddib marka naagta la furo waxay u dhacdaa sidatan: Caadada 1-aad waxay iska nadiifisaa 32%-35% ka mid ah raadkii ninkii hore, tan xigta 67%-72%, tan 3-aadna 99.9%.

Sidaa darteed, minka qofka dumarka ihi wax raad ah oo dambe oo uu ninkii hore leeyahay kuma harayo kaddib 3 bilood ama 3 caado, waxayna diyaar u tahay in ay qaadi karto mid cusub iyada oo aanay dhibaato u imanin.

DHILLAYSIGA – Sidaa darteed, ayuu dhillaysigu ama in ay haweenaydu dhowr nin oo kala nooc ah la seexato uu yahay dhibaato bayoloji, waayo waxaa gudaha iskugu tegaya dhowr shahwo oo kala nooc ah. Dabcan dhillaysigu cidna kuma habboona, balse waxaan ka hadlaynaa anatomy ahaan.

Sababta sidoo kale loo dheereeyey xilliga ay CARMASHA laga dhintay sugayso inay nin kale guursato waxay tahay, in murugada haysaa ay keeni karto xaalad nafsaani ah oo saamaynayn karta habka shaqo ee jirkeeda, markaasoo ay gaabis noqon karto inuu jirku isku nadiifiyo 3 bilood oo qura.

Culumada ku xeel dheer cilmiga uur ku jirta (embryology) ayaa baaritaan ku sameeyey haweenka Muslimiinta ah, gaar ahaan Afrikaanka ee ay raggooda kala tageen ee Maraykanka, waxayna ogaadeen inay gebigood sidaan raadka raggooda, halka markii ay baareen haweenka aan muslimka ahayn waxaa usoo baxday inuu minkoodu kulminayo raadad badan, ugu yaraan 2-3 nin.

Sidaa darteed, ayay xaqiijiyeen in haweenayda Muslimka ihi ay tahay midda ugu nadiifsan caalamka.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media