Siyaasiyiin bidhaamiyey waxa mar qura isbedeley ee keenay inuu Jabuuti ka dhaco kulanka qaayadan leh

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in uu shirku durba si toos ah u furmay qiyaastii saacad kahor, iyada oo ay albaabadu u xiran yihiin oo aanay jirin cid ka socota saxaafadda oo loo ogol yahay.

Waxaa haddaba aragtiyo kala geddisan laga dhiibey waxa keenay gayrkan cusub ee mar qura la geliyey wada hadallada DF iyo Somaliland oo waloow ay horayba u dhici jireen aan misna yeelanin qarada, ka qayb galka ballaaran iyo qaabka ay maanta ku bilowdeen

Wasiirad Dibadeedkii hore ee Somalia, Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo lafteedu kasoo jeedda go ollada woqooyi ee Somalia ayaa ka mid ah dad qaarna xog ogaal yihiin qaarna wax odorayaan oo ka fikrad dhiibtey waxa runtii is bedeley iminka.

”Waxan aad usoo dhaweynayaa kulanka madaxda Soomaaliya iyo Soomaliland ee ka dhacaya maalmahan Jabuuti. Waa markii u horraysay oo madax culayskaas leh ay arrintaa ka wada hadlaan,” ayay Twitter-ka kusoo qortay Foowsiya.

”Waxay muujinaysaa in la wada gartay muhiimadda wada jirka waqtigan adduunku marayo. Hambalyo!” ayay daba dhigtay.

Dad badan ayaa saadinaya in la filayo inay arrintani keento ugu yaraan weji hor leh oo uu qaato wadahadalka labada dhinac oo markii hore u muuqdey middi middi maalin dhaafis ah, waxaana la sheegayaa in wareegga ugu muhiimsan ay kasoo qayb geli doonaan aqoonyahan, mashaa’ikh, dhaqan, iyo waxgarad kale, si loo go’aamiyo qorshe ay u wada aayi karto umaddu.

Dr Cabdiraxmaan Baaddiyoow, Guddoonka Guddiga Wada-xaajoodka DF ayaa isna yididiilo ka muujiyey inuu kulankani miradhal noqdo, taasoo uu ku tilmaamay rejo cusub oo u bidhaamaysa umadda Soomaaliyeed oo ku jirta jahawareer siyaasadeed oo nus-qarni iminka ku dhow. Baaddiyoow ayaa farriin kale ku bidhaamiyey in la go’aansaday in wadahadallada laga wado kor iyo hoosba sida uu yiri.

Hadalsame Media