XOG: MW DF Somalia & Somaliland oo kala booqanaya Hargaysa & Muqdisho (Jawiga shirka & waxa ka cusub?)

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Waxaa weli magaalada Jabuuti ka soconaya shirka madaxda sare ee DF Somalia iyo Somaliland, kaasoo ay ka qayb gelayaan madaxdii ugu ballaarnayd.

Weli wax shirka oo weli curdin ah ka cusubi ma jiraan, balse ilo hoose oo u warramay Hadalsame Media, ayaa sheegaya inay miiska saaran tahay aragti samaddoonnimo oo ah in shirka kaddib ay wefdiga oo isla socdaa ay wada booqdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.

Warka aannu heleeyno ayaa intaa ku daraya in weliba lagu hormarayo magaalada Hargaysa oo sharciyan ah caasimadda 2-aad ee dalka Somalia, balse iminka xarun u ah Somaliland oo 91-kii ku dhawaaqday inay ka goosatay Somalia inteeda kale.

Arrintan ayaa ah mid karis badani weli u harsan yahay oo soo jeedin uun iminka ku eg, welina wax mowqif ah oo ”haa iyo maya” ah lagama gaarin, sida aannu xogta ku heleeyno.

Jawiga shirka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid sokeeyennimo iyo is faham ku socda, waloow aan weli loo gudbin marxalidihii kululaa ee uu yeelan karo shir noocan oo kale ah, waxaana aad uga dhur sugaya shacabka Soomaaliyeed.

Haddii ay tillaabadani rumoowdo waa mid naadir ah oo keeni haloosin jid cusub oo yididiilo leh.

Hadalsame Media