Axmed Madoobe oo QOOL bir ah qoorta loo surey (Afar qodob oo min laba ah oo hor yaalla)

0

(Muqdisho) 14 Juun 2020 – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.

Yeelkeede, War Saxaafadeedkan oo si fursad u siinaya MW lagu murmay ee Jubbaland, Md Axmed Madoobe, ayaa waxaa misna la socda kaloosyo ay adag tahay inuu ka gudbo, marka la eego duruufaha ku hareereeysan, waxaanay ka dhalanayaan labadan qodob:

1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaxweynaha Maamulka Kumeel Gaarka ah ee Jubbaland.

2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.

Labada qodob ayaa QOOL BIR ah ku noqon kara Axmed Madoobe marka la eego laba sababood oo isla socda oo dhalinaya laba duruufood oo go’aaminaya aayaha sheekada oo idil, midda kale waa mid muujin doonta sida uu xariif siyaasadeed oo madax bannaan u yahay Axmed Madoobe.

QODOBKA HORE – Waa Kenya oo ah halbowlaha uu dhiigga ka qaato Maamulka Kismaayo fadhiya ee Axmed Madoobe, iyadoo ay adag tahay inay Kenya oo DUKE cambaar leh looga dhigay War Saxaafadeedku ay Axmed ka ogolaato inuu qaato bandhigga dowladda.

1 – Waa madaxda Puntland oo inta badan sax iyo khaladba taageero siyaasadeed siiya Jubbaland-ta Axmed Madoobe, kuwaasoo Axmed ku cadaadin doona inuu diido qorshaha DF, sida qura ee uu ku aqbali karaana ay tahay isaga oo iyaga ka xarig furta.

Marka labadan qool bireed laga soo gudbo waxaa jira 2 natiijo oo kale oo ka dhalan kara isla qodobbadan iyo guud ahaanba shuruudaha ay soo jeedinayso DF.

1 – Haddii uu Axmed Madoobe si deggan arrintan uga fikiro ee uu qaato qorshaha DF wuxuu helayaa fursad wanaagsan, waloow ay arrinta sii adkaynayso in muddo xileedka labada sano ee loo kordhiyey uu ka bilaabmayo bishii Agoosto oo iminka sanad ku dhowaad laga joogo, taasoo arrinta kusoo koobaysa sanad qura, misna waa wax laga wada xaajoon karo, iyada oo uu Axmed heli karo fursad uu kusoo diyaariyo dad isaga la olog ah oo xilka usoo istaaga, maadaama uu xilli ku filan xilka soo haye.

2 – Haddii uu waxaa iska diido, sida haddaba laga dheehday qoraal yar oo uu baraha bulshada ku xarriiqay wiil ku dhow Axmed laftiisa, waxaa si rasmi ah Axmed loogu sawirayaa ”qas wade” aan wax xal ah ogolayn, waxayna noqon kartaa is miidaamin siyaasadeed markale ka hor keenaysa dadka samaha jecel ee Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo saamayn wayn iminka ku leh siyaasadda Somalia.

Hadalsame Media