DEG DEG: Madaxda ugu sarreeysa DF Somalia oo iminka Jabuuti u duushay (Arrin khatar ah oo ay sameeyeen)

0

(Muqdisho) 14 Juu 2020 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa goordhaw u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayaan wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Wefdigan ayaa Jabuuti kaga qayb gelaya kulan ballaaran oo dhexmaraya DF Somalia iyo Maamulka Somaliland oo isu arka mid ka go’ay Somalia inteeda kale, tiiyoo aanu jirin dal sidaa u aqoonsaday ilaa iminka.

Wadahadalladan ayaa waxaa lagu soo qaadayaa qodobbo masiiri ah sida aannu ka helnay ilo xog ogaal ah, balse ma sahlana in waqti xaadirkan la hirgeliyo ama xitaa dadwaynaha si toos ah loogu sheego.

Yeelkeede, madaxda sare ee DF Somalia ayaa ku dhaqaaqday arrin ay ka muuqato qar iska tuurnimo haddii ay hal diyaarad wada raaceen, taasoo ah arrin laga fursan karo, waloow aannu weli hubinayno arrinta misna saas ayay u muuqataa.

Hadalsame Media