Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku kala qaybsamay wadahadalka DF Somalia & Somaliland

0

(Hargaysa) 14 Juun 2020 – Kulan heer sare ah ayaa la filayaa in uu Jamhuuriyadda Djibouti maanta uga furmo wufuud heer sare ah oo ka socda DF Somalia iyo Maamulka Somaliland oo kulankooda horayba loosii sheegay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmaya dalka Djibouti.

Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan ama uga dambaynayaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan.

“Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan.

“Aniga Guddoon ahaan mawqifkaygu waxa weeye horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho.

Hadalsame Media