DEG DEG: MW Somaliland & wefdi ballaaran oo Jabuuti u duulay + Sawirro (Maraykanka oo sameeynaya arrin NAADIR ah)

0

(Hargaysa) 14 Juun 2020 – Madaxweynaha Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaanr oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka furmi doono shir u dhexeeya DF Somalia iyo Somaliland.

Waxaa ka mid ah wefdiga ballaaran ee uu horkacayo Md Biixi; Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Md Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Ergayga Gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo isagu shirka kaga biiri doona Jabuuti, ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen dalalka Maraykanka iyo Jabuuti.

”Waxaa Madaxweynaha wehelinaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga Gaarka ah Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.” Ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Somaliland, Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), oo hadlay in yar kahor bixitaankooda.

Wefdigan ayaa sida kuwa DF Somalia iyaguna hal diyaarad wada raacay.

Waa markii ugu horreeysey ee uu Maraykanku si toos ah ugu lug yeesho shir Soomaalida loo qabanayo, isaga oo aan marna sidaa samaynin 30 sano iyo suggood ay Somalia ku jirtey qalalaase siyaasadeed iyo mid bulsho, waxaana la fahamsan yahay in Maraykanku uu wado qorshe istaraatiji ah oo uu kaga cararayo Ruushka iyo Shiinaha.

Hadalsame Media