Xildhibaanno ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo dabada ka riixaya SHARCI xakamaynaya awoodda Donald Trump

0

(Washington, DC) 12 Juun 2020 – Xildhibaannada Ilhaan Cumar (D-MN), Pramila Jayapal (D-WA), Mark Pocan (D-WI), iyo Veronica Escobar (D-TX) ayaa ku dhawaaqay xeer cusub oo la yiraahdo Curtailing Insurrection Act Violations of Individuals’ Liberties (CIVIL) Act, kaasoo lagu xadidayo awoodda uu Madaxwaynuhu u leeyahay inuu millateri u adeegsado shacabka iyo magaalooyinka isaga oo aan ogolaasho ka helin Koongarayska.

MW Trump ayaa si joogto ah ugu hanjabaya inuu tillaabo millateri ka qaadayo shacabka oo dibedbaxyo ka wada daafaha dalka Maraykanka, taasoo lagu sheegay mid kasoo horjeedda Qodobka 1-aad (First Amendment) ee 10-ka Qodob ee ugu waawayn Dastuurka Maraykanka ee Xorriyadda Hadalka, Diimaha iwm.

Yeelkeede, xeerkan cusub ayaa haddii la meel mariyo wuxuu Madaxwaynuhu u baahanayaa rukhsad ay siiyaan Koongarayska Maraykanka, oo 14 maalmood gudohood uga baaraandegaya arrinka.

Tillaabadan ayaa lakab dheeraad ah ku dareeysa ilaalinta xorriyadda madaniga ah, iyada oo u baahan dib u eegis garsoor, isla markaana caddayn ka rabta Madaxwaynaha, Wasiirka Gaashaandhigga, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.

Waxaa intaa dheer, in askarta waajibka ku jirta aanay baaritaan, qabasho, la wareegis, xiritaan iyo howlaha kale ee sharci oogista samayn karin, haddii aanay wadanin rukhsad ama barwo sharciyaysan.

“Xilli ay kumannaan dad ihi ku dibedbaxayaan dalka oo dhan, kuwaasoo diiddan cunsuriyadda hay’adeeysan, Madaxwaynahani wuxuu si joogto ah u wiiqayaa dimoqraadiyaddeenna isaga oo gacan ka hadal ugu gooddinaya bannaanbaxa,” ayay tiri Cumar.

“MW Trump wuxuu ku hanjabey inuu adeegsado shuruucdii waayihii addoonsiga si uu u cabburiyo dibedbaxayaaal ka dhiidhinaya cunsuriyad qarniyaal,” ayuu yiri Sen. Blumenthal.

“MW waa inuusan ciidan u diri karin dibedbaxayaasha, isagoo sidaa kaliya u yeelaya inuusan dadkaa jeclayn ama ku aragti ahayn,” ayay tiri Jayapal.

Hadalsame Media