”Beri ayaan ka ahay!” – Fannaan ka mid ah Waayaha Cusub oo aad u cambaareeyey heesta Nabar & Naxdin

0

(Hadalsame) 12 Juun 2020 – Waxaa baraha bulshada qabsatay hees cusub oo ay soo saareen dhallinyarada Waayaha Cusub, taas oo lagu karbaashayo Xukuumadda Nabad & Nolol.

”Nacamlaha warkooda, ninkii nolol u haystoow, Soomaalida ha naafayn, NOOO NOO DHAHA NA DHAAFA!” ayaa ka mid ah erayada heestan cusub ee antiga ah.

Heestan ayaa diidmo kulul kala kulantay baraha bulshada iyada oo heshay ”Dislike” middii ugu tira badnayd muddo yar oo ay Youtube ku jirtey, waxayna dood kulul ka abuurtay baraha bulshada iyada oo ay dadka qaar tuhmayeen in olole shacbawi ah lagu qaaday heesta, halka ay qaar kale Dowladda farta ku fiiqayaan.

Si kastaba, fannaanka Digriyoow Cabdi oo ka tirsan Waayaha Cusub ayaa sheegay inuu beri ka yahay wax uu ku tilmaamay ”foolxumo socota”, isagoo tilmaamay in aanu taageersanayn in fanka loo adeegsado afkaaro khaas ah, sida uu yiri.

Wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray: ”Anigoo ah Digriyow Abdi Elmi
kana mid ahaa aasaasayaashii iyo bud-dhigayaashii kooxda Waayaha Cusub. Kooxdan oo ula jeedada aasaaskeedu ahaa wacyi gelin iyo dhiiri gelinta shacabka Soomaaliyeed iyada oo hada taasi meesha ka baxday
waxaan beri ka ahay foolxumada socota,” ayuu yiri.

”Naftayda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa in magacii Waayaha Cusub ee aan usoo halganney loo adeegsado fikrad siyaasadeed ama shakhsi oo haykalkii kooxda aad loo bahdilo dhiiqana lugaha loo gelsho.
Ugu dambayn fanka soomaaliyeed waa hanuuniye ee hagardaamo ma aha.” ayuu warkiisa kusoo af jaray.

SIXITAAN: Bud-dhigid waxaa loo adeegsadaa marka qofka qabriga iilkiisa la dhigayo, dabcan fannaanka si kale ayuu ula jeedaa sida sees-dhigid iwm.

Hadalsame Media