XOG: Muddo kororsi 2 sano ah oo la karinayo + SHAXDA Madasha & Madaxtooyada! (Yaa ku jira, yaa ka maqan, yaase kusoo kordhay?)

0

(Muqdisho) 12 Juun 2020 – Waxaa jirta xog suuqeed ku saabsan qaaciddo loo dejinayo muddo kororsi 2 sanadood ah oo ay ku jiraan laacibiin cusub, kuwa kalena ay ka maqan yihiin, kaddibna doorasho qof iyo cod ah la qabto 2022-ka.

Sida ay xogta ku heleeyso Hadalsame Media, waxaa fikraddan wada karinaya Fahad Yaasiin oo aad ugu dhow MW Farmaajo & xisbiyada ku midaysan Madasha Xisbiyada Qaran, waxaanse qayb ka ahayn RW Khayrre.

SIDEE SHAXDA LOO DHISAYAA? Waloow ay weli aragti uun tahay (hypothetical) oo aysan wax rasmi ah ahayn, isla markaana iyada dhanba la xoori karo, wuxuu qorshuhu yahay in la dhiso dowlad ay ku midaysan yihiin labada dhinac ee aannu soo sheegnay.

Yeelkeede, Madasha lafteeda ayaan isku waafaqsanayn cidda noqonaysa Raysal Wasaaraha xiga, tusaale ahaan, Abshir Bukhaari ayaa la sheegay inuu soo jeediyey in RW laga dhigo Xasan Macallin oo ay Daljir ka wada tirsan yihiin, halaka UPD oo ah qaybta Xasan Sheekh uu RW u doonayo Cabdiraxmaan Odawaa.

Sheekh Shariif iyo xisbigiisa Himilo Qaran ayaa isaga lagu qanciyey inuu muddo kordhintan kaddib noqonayo musharraxa idman ee Madasha Xisbiyada Qaran oo isla jira, taasoo uu u guuxey, sida ay ishani sheegayso.

MAAMUL-GOBOLEEDYADA – Maamullada waxaa ilaa haatan moowqifkooda caddeeyey Jubbaland oo uu dabcan maamul ahaan hal-gacanleey ku hayo Axmed Madoobe oo fikraddan u guuxey, isaga oo sheegay inuu ku goowracan yahay Madasha, sida uu warku sheegayo.

Yeelkeede, MW Puntland ee Siciid Deni ayaa isagu fikraddan qayb ahaan diidey, isaga oo haddii uu aqbalayo hal shuruud oo adag ku xirey, taasoo ah in isaga looga dameeyo soo xulista dhamaanba Wasiirrada metelaya beesha Daarood, taasoo ay adag tahay in laga aqbalo.

LABADA AQAL – Waxaan weli bislayn waxa laga yeelayo Xildhibaannada iyo Senetarrada ku jira labada aqal ee Baarlamanka, maadaama ay xirmadani weli bislayn ku jirto, waxayse u badan tahay in iyagana muddo kordhinta lagu darayo.

MAXAA U XIGA RW KHAYRRE – Waxaa lagu warramayaa in RW Khayrre uusan dhib wayn u arkin inuu suuris (hibernation) galo muddo 2 sanadood ah kaddibna uu qorshayaashiisa siyaasadeed u soo afaysto uguna diyaar garoobo doorashada xigta, maadaama ay isa soo tarayaan in waloow aysan shaqo ahaan is khilaafin isaga iyo MW Farmaajo, aysan isku weel wax ku wadin marka ay timaado qaabka loo gelayo, nooca ay tahay iyo xilliga la geliyo Doorashada u muddaysan 2021-ka.

FIKRADDANI MA SHAQAYN KARTAA? Qayb ahaan waa adag tahay marka la eego in la sahminayo geyi cusub isla markaana ay wada shaqaynayaan dad aan kalsooni badan isku qabin, maadaama ay N&N ku wada shaqayneysey hab-raac aad uga duwanmadaxdii sare ee dalka soo martay mudadii burburka.

Hadalsame Media