Maraykanka oo qaaday tillaabo uu caalamku la yaabay oo ka dhan ah Maxkamadda ICC

0

(Washington, DC) 11 Juun 2020 – Maamulka Donald Trump ayaa cunaqabatayn dhaqaale kusoo rogey saraakiisha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ee isku dayeeysa inay “wax dedaal ah” ku bixiyaan inay la maxkamadeeyo askarta Maraykanka ee ku lug yeesha dembiyo dagaal.

War goor dhowayd kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta e Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in MW Donald Trump uu rukhseeyey in la “ballaariyo xannibaadda dalkugalka” ee lagu soo rogayo saraakiisha ICC iyo qoysaskooda.

The US has repeatedly threatened to impose sanctions on the Hague-based court and asserted that it has no right to investigate or prosecute US personnel without Washington’s consent.

Bayaanka Aqalka Cad ayaa tillaabada Maxkamadda ee ka dhanka ah Ciidamadooda ku sheegay “weerar lagu qaaday xuquuqda dadka Maraykanka” iyo halis “lagu yahay madax bannaanida qaranka dalkooda.”

Waxay intaa raaciyeen in ICC loo asaasay “inay la xisaabtanto dembiyada dagaalka” balse ay noqotay “mid aan wax ku ool ahayn oo aan xisaabsanayn.”

Maraykanka ayaa sidoo kale horay u diidey inay Maxkamaddu baaritaan ku sameeyso dembiyada dagaal ee ay Israel kula kacdo Falastiiniyiinta oo ay ku sheegeen “dal aan madax bannaanayn” sidaa darteedna aan xaq u lahayn inay Maxkamaddu soo fargeliso.

Tan iyo markii uu yimid Trump, Maraykanka ayaa ciyaaraya door lid ku ah wax kasta oo uu sheegan jirey inuu u taagan yahay, iyada oo ay khubarada u dhuun daloosha xiriirka caalamiga ihi ay ku doodayaan inay tani gayaysiinayso inay aad hoos ugu dhacdo saamayntii uu caalamka ku lahaa, haddii aan la helin aragti ka duwan midda Trump.

Hadalsame Media