Taliska Booliiska Puntland oo tillaabo adag ka qaaday saraakiil si xun ula dhaqmay gabdho dhallinyaro ah (Sidee wax u dheceen?)

0

(Garoowe) 12 Juun 2020 – Taliyaha Booliska Maamul-goboleedka Puntland Jen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa tillaabo ka qaaday Taliye Xigeenkii Qaybta Booliiska  Karkaar, Md Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha xukuma Saldhiga Bartamaha Qardho, Cumar Hiirad Kaatun.

Labadan sarkaal ayaa sameeyey fal aad loo cambaareeyey oo Qardho ka dhacay habeennimadii ay Isniintu soo hoyaneysey, kaddib markii ay bahdileen dhallinyaro ku cawayneysey duleedka magaalada.

Booliiska ayaa khaladka ugu wayn ee ay sameeyeen marka laga soo tago inaysan dhallinyaradu wax dembi ah gelin marka sharciga Booliiska la eego, wuxuu ahaa inay muuqaal ka duubeen iyaga oo harraasaya dhallinyarada, iyaga oo wiil ka tirsanaa dharkii uu sitey ka siibey, halka ay qaar kale goobta ka baxsadeen.

Taliyaha Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sheegay in labada sarkaal xilka looga xayuubiyey sabab la xiriirta shilkaa Qardho ka dhacay 8-dii bishan Juun, kaasoo uu ku tilmaamay mid ku dhisan ”aqoondarro iyo sharci darro” isla socda, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo.

 

Wuxuu sheegay in wixii goobta ka dhacay aanay ahayn wax u fiican muuqaalka guud ee Booliiska isla markaana u qalma bulshada oo uu sheegay inay iyaga qoowsaarro u yihiin oo u adeegaan.

Wuxuu Taliyuhu intaa raacshey in aanay sheekadu ku ekaan doonin shaqo joojin qura ee marka lasoo afmeero baaritaanka iminka soconaya kaddib tillaabo sharci ah sida anshax marin iyo ciqaab laga qaadi doono saraakiisha arrintan ku lugta lahayd.

Hadalsame Media