Masar iyo Ruushka oo Libya ku kala xarig furtay + Caddayn (Masar oo khasab ku celisey dayuurad hub u siddey Xaftar)

0

(Qaahira) 12 Juun 2020 – Waxaa beryihii dambe is bedelayey wejiga Dagaalka sokeeye ee Libya oo ay shidayaan jilayaal shisheeye oo dano is khilaafsan dalkaa ka leh.

Waxaa dhulal badan laga qabsaday Jeneraalka fallaagoobey ee Khaliifa Xaftar, kaasoo la sheegay inay Masaarida oo ka mid ah dowladaha taageera ay iminka ka xarig furanayso iyada oo wadata Madaxa Baarlamanka Bariga, waxaana iminka dhacday arrin u eg in uu hadalkaasi dhab yahay.

Masar ayaa la sheegay inay dayuurad xamuul ah oo uu Ruushanku leeyahay u diiddey inay hub soo gaarsiiso Ciidamada uu xaalku ku xun yahay ee LNA oo ah kuwa u dagaallama Xaftar.

Dayuuraddan ciidan oo uu nooceedu yahay Il-76 RF76731 ayaa kasoo duushay dalka Suuriya, iyada oo doonaysey inay ka degto El Marj/Jufra oo ku yaalla Libya, si ay ugu rogto shixnad ka kooban hub fara badan oo kala nooc ah.

Sida ka muuqata khariidad sheegaha dayuuradaha, waxay dayuuraddani sameeysey weecad buuxa iyada oo ku noqotay halkii ay markii hore kasoo duushay.

Horay ayaa waxaa eedo isu weydaarsadey dalalka Masar iyo Imaaraadka, iyada oo ay Masar Imaaraadka ku dhaliishay inay kaligood qaadeen tillaabooyin soo dedejiyey guuldarrada qorshaha Xaftar.

Hadalsame Media