Turkiga oo sameeyey Booliis aad u qalabaysan oo qabanaya shaqo cusub!

0
Xubno ka tirsan Booliiska Gaarka u Tababaran

(Istanbul) 12 Juun 2020 – Kaymaha Istanbul ayaa noqday meel ay ku dhuuntaan dembiilayaasha gaysta dembiyada abaabulan, kuwaasoo mararka qaarna kaymaha laftooda dhibaato u gaysta.

Haddaba, Booliiska magaalada ugu dadka badan Turkiga ayaa unugyo gaar ah u qoondeeyey ilaalinta iyo roondaynta kaymahan, kuwaasoo lagu magacaabo “Roondadii dabeecadda”, kuwaasoo maalmo ka mid ah todobaad kasta kaymaha ku bixi doona, si ay ugu kuurgalaan waxa ka socda.

Booliiskan cusub ayaa shalay looga dhawaaqay magaalada Istanbul, waxayna ka howl bilaabayaan kaymaha Hacıbektaş Veli Forest ee ka tirsan degmada Sultangazi.

Booliiska “Roondadii dabeecadda” ayaa ku qalabaysan dayuuradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa is wada ee daroonka ee ay Booliisku leeyihiin kuwaasoo ay ku rakiban yihiin kaamarooyin kulka wax ku arka, booliis hubaysan, mootooyin, fardo iyo qaybo ka tirsan Booliiska Gaarka u Tababaran ee loo darbay howlgallada gaarka ah sida kuwa argagixisada.

Waxay sidoo kale adeegsanayaan eeyo tababaran oo la soconaya roondada.

Xubno ka tirsan Booliiska Gaarka u Tababaran

Hadalsame Media