”Itoobiya waxay gashay marxalad HALIS ah!” – Xisbiyada ONLF, OLF & OFC oo gebi ahaanba kasoo horjeestey muddo kordhinta RW Abiy Ahmed (Bayaan)

0

(Addis Ababa) 11 Juun 2020 – Xisbiyada mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF), Oromo Federalist Congress (OFC) iyo Ogaden National Liberation Front (ONLF) ayaa kasoo horjeestey go’aankii Aqalka Sare (HoF) uu shalaytoole uu waqtiga ugu kordhiyey Xisbiga xilka haya ee Prosperity Party (PP).

Xisbigan oo uu xukumo RW Abiy Ahmed ayaa loo sameeyey muddo kordhin ku xiran inta laga cirib tirayo COVID-19 oo aanay halis ku jirin badbaadada shacabku, markaasoo ay doorashadu tahay inay ku qabsoonto muddo u dhaxaysa 9-12 bilood.

Aqalka Sare ee Federayshinka ayaa haddaba sanadkiisii 5-aad iyo kal-fadhigiisii 2-aad ku meel mariyey soo jeedin uu 29-kii Maajo soo gudbiyey Golaha Eegista Dastuurka iyo Fasiraaddiisa (CCI), kaasoo ah guddi hoosaad madax bannaan oo ka tirsan isla Aqalka Sare.

CCI ayaa haddaba ku taliyey in muddada loo wada kordhiyo Aqalka Hoose (HoPR), kan Sare (HoF), iyo Golaha Gobollada kaddib markii la baajiyey Doorashada Guud oo dhici lahayd 29-ka Agoosto ee sanadkan.

Yeelkeede, war rasmi ah oo shalay iyo maanta kasoo kala baxay xisbiyada OLF, OFC iyo ONLF, sida ay u kala horreeyaan, ayaa gebi ahaanba diidey wax ay ku tilmaameen “go’aan hal dhinac ka raran” iyagoo kana digey inay Itoobiya u sii siqeeyso dhanka weji cusub oo gayaysiin kara qaaquullo siyaasadeed oo khatar ah, sida ay qabaan.

“Waxaannu muujinaynaa walaaceenna ku aaddan inuu dhaco kacdoon keeni kara inaan dib ugu laabanno meeshii aannu kasoo bilownay,” ayay u dhignayd kelmadda kasoo baxday OLF iyo OFC.

“Dowladdu waxay qaadatay go’aan hal dhinac ah oo keeni kara gelitaanka weji siyaasadeed halis ah isla markaana hakin kara geeddi socodkii dimoqraadiyaynta ahaa ee soconayey,” ayuu u akhrismayaa bayaan kale oo kasoo baxay Xisbiga ONLF.

Hadalsame Media