DAAWO: Dayuurad uu Ruushku leeyahay oo gantaal rideysa iyada oo ku jirta hab-dhaqaaq aan abid taa lagu samayn

0

(Moscow) 11 Juun 2020 – Dayuuradda jiilka 5-aad ee Ruush sameega ah ee Sukhoi Su-57 ayaa sameeysay hab-dhaqaaq nooc cusub ah, sida uu muujinayo muuqaal falax gooddin ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Dayuuraddan ayaa gantaal rideeysa iyada oo ku sugan weji koritaan ah oo joog xigeen ah, waloow caadiyan la ogyahay in Su-57 ay awood u leedahay inay cirka si joog ah u abbaarto isla marka ay duusho taasoo ay ugu wacan tahay iyada oo leh matoor xoog badan iyo xakameeyeyaal casri ah oo ka caawiya inay socoto dheelli la’aan marka ay qaabkan u dhaqaaqayso, misna hadda kahor ma dhicin inay gantaal riddo iyada oo qaab joog ah u duuleeysa.

Wasaaradda ayaa dayuuraddan ku tijaabinaysa dhowr qaab, oo ay ku jiraan inay ku duusho joog si aad ah u hooseeya iyo inay sameeyso hab-dhaqaaqa loo yaqaanno high-G oo la adeegsado marka uu socdo waxa loo yaqaan dagaal eeyaad kala dhexeeya dayuurad kale.

Su-57 oo ah jiilka ugu dambeeya dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Ruushka ayaa waxaa iminka la barayaa Ciidanka Cirka, iyada oo weliba loo farsamaynayo matoor casri ah oo ka wanaagsan midka ku xiran moodalka haatan jira, taasoo keeni doonta inuu bandhiggeedu sii hagaago.

Hadalsame Media