XOG: MW Farmaajo & RW Khayrre oo ku kala tegey Doorashada 2021 (Wararkii ugu dambeeyey)

0

(Muqdisho) 11 Juun 2020 – Warar aannu ka heleeyno ilo hoose oo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa tibaaxaya inay aad iminka ugu badan tahay inuu go’ay dabarkii MW Farmaajo & RW Khayrre, gaar ahaan marka ay timaaddo inay hal furin ka wada galaan Doorashada 2021-ka.

Warka aannu heleeyno ayaa sheegaya inay labada nin ee ugu sarreeysa Xukuumaddu ku heshiin waayeen aragti ka imanaysey Madaxwaynaha oo ahayd in la sameeyo hal xisbi, oo uu magaciisu u badan yahay Nabad & Nolol, isla markaana uu isagu noqdo musharraxa u taagan.

Yeelkeede, RW Khayrre ayaa la sheegay inay arrintaasi u qurqursami waydey oo uu soo jeediyey inuu ninba calafkiisa ka raadiyo dhalada daaha furan ee codaynta.

”Waxay u badan tahay inuu ku dhawaaqi doono xisbi iyo musharraxnimadiisa, balse haatan labada dhinac arrintaa waa ku kala tageen,” ayay ishaa oo aynaan carrabaabayn, balse lagu kalsoonaan karo u sheegtay Hadalsame Media.

Xogaha aannu heleeyno ayaa sheegaya in RW Khayrre uu maalmihii tegey unkayey isbahaysi siyaasadeed oo uu ku shaqa tago marka oodda laga qaado ololaha Doorashada 2021, iyadoo ay dhici karto inuu agaasimi doono munaasabad uu kaga dhawaaqayo waxa uu damacsan yahay.

Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa si kastaba noqday labadii siyaasi ee wada shaqeeyey xilligii ugu dheeraa, ugu yaraan tan iyo burburkii kaddib, iyaga oo kasoo gudbey mashaqooyin iyo turaanturrooyin fara badan oo jidka daadsanaa oo aanay ka gudbeen haddii aanay wada shaqaynin, balse iminka ayay XF wajahaysaa cadaadis ba’an oo ku saabsan qabashada Doorashada 2021, taasoo aan u ekeyn mid ay markan isu bahaysan doonaan sidii dhici jirtey, xitaa haddii aanu khilaafkani ahayn mid shaqo oo iminka ka dhexeeya labadooda, haddii ay rumoobaan xogahan na soo gaaraya.

Wixii kasoo kordha nagala soco…

Hadalsame Media