Ciidamada Israel oo il ka ridey wiil 8-jir ah, gabar 4-jir ahna diley (Marmarsiinyo ay keeneen)

0

(Daanta Galbeed) 11 Juun 2020 – Wiil Falastiini ah oo ay wejiga ka toogteen Ciidamada Israel ayaa sidaa ku waayey ishiisa bidix.

Malik Issa oo 8-jir ah ayaa guriga u socdey iyada oo ay wehlinayeen 3 gabdhood oo la dhashay kaddib markii ay kasoo rawaxeen iskuulka xaafaddooda ssawiya, oo ku taalla Bariga Quddusta la haysto, markii wejiga looga dhuftay rasaas cinjir ah.

Aabihii ayaa Safa News Agency u sheegay in markii isbitaalka la geeyey ay dhakhaatiirtu ka war heleen in uu dhiig ku furmay maskaxda kaddib markii ay tarrartay lafta madaxu, isla markaana ay jug xumi gaartey isha bidix.

Waloow ay dhakhaatiirtu isku dayeen inay badbaadiyaan isha wiilka, waxayse sameeyeen qalliin si ay uga ilaaliyaan inay saamayn ku yeelato isha midig.

Dhanka kale, gabar yar oo 4-jir ah oo iyaduna Falastiiniyad ah, ayaa u dhimatay dhaawac kasoo gaarey madaxa kaddib markii ay toogteen Ciidamada Yuhuuddu.

Booliiska Israel ayaa ku dooday in xabadda ku dhacday Rafif Mohammed Karain 2 todobaad kahor ay ahayd mid habow ahayd oo ka timi dhanka Daanta Galbeed, balse qoyska gabadha ayaa arrintaa ku tilmaamay raad tirasho iyo been abuur.Nir Hasson

Gabadha yar oo lagula tacaalayey isbitaalka Hadassah University Hospital ayaa lagu guul darraystay in nafteeda la badbaadiyo.

Hadalsame Media