Ilhaan Cumar oo bilowday qorshe ka dhan ah dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka & Masar (Sucuudiga oo…)

0

(Washington, DC) 11 Juun 2020 – Xildhibaanadda Ilhaan Omar (D-MN) ayaa warqad ay ku hagaajisey Wasiirka Gaashaandhigga ee Mark Esper iyo dhiggiisa Arrimaha Dibedda ee Michael Pompeo ugu baaqday inay ka war bixiyaan qiilka loo cuskaday in hub laga iibiyo dalalka Philippines, Egypt, India, Hungary, iyo Imaaraadka Carabta.

Waxay kaloo warqaddu ku baaqaysaa in hub iibinta la hakiyo inta ay si taxaddar leh dib ugu eegayaan Koongaraysku.

Ilhaan ayaa sheegtay in “Maraykanka laftiisa oo ay ka taagan tahay rabsho ka dhalatay dilkii George Floyd oo ay uga dartay xoogga ay uga jawaabeen hay’adaha amaanku, aanay soconeyn in rabsho la dhoofiyo”, sida ay tiri.

“In badan oo ka mid ah dalalkani waxay ku tunteen xuquuqul insaanka, marka waa in la hakiyaa iibinta hubkan ilaa inta dib looga eegayo.”  ayay tiri Ilhaan.

Waxaa intaa dheer, in Imaaraadku uu hubka Maraykanka u adeegsanayo tacaddiyo ka dhacay Yaman, kooxo xag-jir ah oo uu halkaa ku hubaynayo iyo inuu jebinayo cunaqabataynta hubka ee Libya, Yemen, Sudan, iyo Syria , sida ay ku doodday Ilhaan oo aan marna soo hadal qaadin Sucuudiga.

Waxaa warqaddan dadka saxiixay guud ahaan ka mid ah;

Earl Blumenauer, Rep. André Carson, Rep. Jesús G. “Chuy” García, Rep. Raúl M. Grijalva, Rep. Deb Haaland, Rep. Pramila Jayapal, Rep. Joseph P. Kennedy, III, Rep. Barbara Lee, Rep. Andy Levin, Rep. Ted W. Lieu, Rep. Alan Lowenthal, Rep. Tom Malinowski, Rep. James P. McGovern, Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, Rep. Mark Pocan, Rep. Jamie Raskin, Rep. Rashida Tlaib, iyo Rep. Nydia M. Velázquez.

Waxaad warqaddan oo PDF ka heli kartaa halkan.

Hadalsame Media