Somaliland oo si kulul uga jawaabtey war kasoo yeerey DF Somalia (Madaxda Somaliland oo hal arrin isku khilaaftay)

0

(Hargaysa) 10 Juun 2020 – Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Axmed Ciise Cawad, ayaa waraysi uu maalin dhowayd siiyey hilinka Al Carabiya ku sheegay in la gaarey xilligii tillaabo laga qaadi lahaa shirkadda DP World, isaga oo Imaaraadka ku eedeeyey inay kusoo xad gudbeen madax bannaanida gayi ee dalka Somalia.

Md Cawad ayaa sheegay in aysan diidanayn wixii maalgelin ah oo loo samaynayo Somaliland, balse DF Somalia ay tahay hay’adda ka mas’uulka ah dalka, isaga oo mar la waydiiyey waxa arrintan iminka dib usoo cusboonaysiiyey ku jawaabey ”inay ka timid warka uu siiyey Al Carabiya oo arrintan wax ka waydiisey.”

Wasaarad Dibadeedka Somaliland oo arrintan kasoo saartay bayaan ku qoran af Carabi ayaa ku tilmaantay mid ”khalkhal lagu gelinayo howlaha ay DP World ka waddo Somaliland”.

Haddaba, Wasiir Dibadeedka Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), ayaa isna warkan furka ku xooray isaga oo ku tilmaamay arrin waa hore lagu kala baxay rukhsad Somalia lagaga baahan yahayna aanay jirin.

”DP World, Itoobiya iyo Somaliland si madax bannaan ayay u galeen heshiiska Dekedda Berbera, cid ay u daba fadhiyeen ama awood ku leh oo kalena ma jirto,” ayuu yiri Md Faratoon oo la hadlay BBC.

DF Somalia ayaa weli sharciyan mas’uul ka ah dalka Somalia oo idil, taasoo siinaysa inay ka hadli karaan heshiiska Dekedda Berbera oo aan haysanin sharciyad caalami ah, maadaama aanay Somaliland ahayn dowlad la aqoonsan yahay, muxuu Wasiirku taa ka yiri?

”Somaliand mas’uul kama aha iyagu (DF), wax ay u aqoonsan tahayna ma jiraan, waxay aaminsan tahay inay madax bannaan tahay, haddiise la wada hadlayo wax Allaale iyo wax ay ka qabtaa ma jirto,” ayuu ku dooday Wasiirka oo sheegay inaysan Somaliland aqoonsi ka doonayn Somalia.

Warka Faratoon ayaa khilaafaya war uu dorraad VOA siiyey MW Somaliland, Md Muuse Biixi oo sheegay in ”caqabadda ugu wayn” ee hor taagan aqoonsi ay Somaliland hesho ay tahay ”Dowladda Xamar”.

Hadalsame Media