Dowladda Jabuuti oo arrin kale oo ”sharci darro ah” kula kacday Duuliye Fu’aad (Qarreenkiisa oo hadlay)

0

(Jabuuti) 10 Juun 2020 – Waxaa lasii daayey duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo lagu hayey xabsiga Gabode ee magalaada, qarreenkiisa Sakariye Cabdullaahi ayaa ka hadlay xadgudub dhanka sharciga ah oo lagu sameeyey.

Qarreenka ayaa tixraacaya war laga sii daayey hilinka ku hadla afka Dowladda ee RTD oo soo xiganaya Gudigga Xuquuqul Insaanka Jabuuti oo xabsiga ku booqday Duuliyaha, kuwaasoo Fu’aad kasoo weriyey inaan waxba loo gaysan waloow uu horay caalamka ugu baahey isaga oo musqul uskag ah ku xiran.

”Telifishanka ay Dowladdu leedahay ayaa wixii uu doono ka samaystay oo war la jarjaray ama la dul dhigay baahiyey, weligeedna lama arag maxbuus xiran oo uu joornaaliiste waraysanayo,” ayuu ku dooday qarreen Sakariye oo BBC u warramay.

Wuxuu intaa raaciyey in ciyaar lagu dul jilay oo kaligii mikrafoonka la dul geeyey oo lagalala hadlay waxyaabo badan oo ku habboonaa Maxkamadda sida ”dhakhtar ma laguu keenay?” ”Haa labaa ii timid”, sida uu yiri qarreenka oo sheegay in ay Dowladdu wixii ay doonaysey iska samaysatay.

Wuxuu sidoo kaloo sheegay inay arrinta sharci darro ahaanteeda muujinayso in aan isaga qarreenka ah aan la ogaysiin markii waraysiga looga soo qaadayey xabsiga, taasoo uu xaq sharci ah u lahaa.

”Kuwan xuquuqul insaanka sheeganaya ee Dowladda u shaqeeya, waxay ahayd inay kaligood meesha tagaan oo warkooda qoraal kusoo bandhigaan, balse ma ahayn inay weriye kaxaystaan,” ayuu raaciyey qarreenka oo wax duraya, isaga oo sheegay in ninka xukumaya kooxda Xuquuqul Insaanku uu Wasiir ka ahaan jirey Dowladda.

”Haddii ay yihiin Guddi madax bannaan waxay ka hadli lahaayeen dhibaatooyinka Jabuuti ka taagan. Ninkii musqusha ku xirnaa ee uu Jiirku cunayey ayaa la leeyahay waxba ma gaarin. Wax is qaadanaya ma aha.” ayuu si kulul u yiri Qarreen Sakariye oo sheegay in oogada Duuliyaha laga arki karo dhibaatooyin loo gaystey.

Hadalsame Media