Maxaa dayuuradaha ka badbaadiya inay hawada iskula DHACAAN sida gawaarida? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 10 Juun 2020 – SID map-ku wuxuu duuliyaha farayaa inuu ku rido airway-ga isaga oo warkiisa gaarsiinaya Radio beacon oo loo yaqaan VOR (VHF Omnidirectional Range), waxaana ku cad SID-ka marka ay leexanayso, inta degree ee ay leexan karto, xawaaraha iyo inta ay sare u kac (climb range) samaynayso ilaa ay ka gaadho heerka jibaaxidda (cruise level) ay ku duulaysay, iyadoo oo uu la soconayo ATC-ga airport-ka ay ka duushay ilaa inta uu kala wareegayo Enroute ATS waddankaasi kaasi oo monitor gareeya xaaladda diyaaradda dabadeedna ay hawsha hagidda iyo ka war haynta (monitoring) ay isugu gudbiyaan waddamada ay diyaaraddu sii kor marayso ilaa ay kaa gaadhayso waddanka ay u socoto.

Halkan ka akhri qaybtii 1-aad…

Diyaaraddu marka ay gaadho heerka ay duulimaadkeeda ku qaadanayso sida FL-300 (Flight level 300 ama 30,000 oo cagood), iyadoo ku qiyaas qaadanaysa altimeter lagu qiyaaso inta diyaaraddu badda ka sarrayso cadaadis ahaan oo lagu qiyaaso QNH iyo cadaadiska inta ay dhulka ka sarrayso oo isna loo qayaan QFE, iyadoo markaa altimeter-ka lagu juusteynayo 1013.25 hectopascals (millibars) ama 29.92 inches oo qiyaasta mercury ah.

Waxa uu markaa duuliyuhu raacaysaa dariiqa hawada (air route) ee ku xusnaa qorshaha duulista, kaasoo uu istimaalayo khariidadda loo yaqaan Jeppesen Chart, isagoo Airways-ka uu raacayana ay ku muujisan yihiinn maabka.

Heerka duulimaadka ee airways ayaa qiyaas ahaan dhan 8 NM (nautical miles) ama 14km ballac ahaan, kaas oo aanu duuliyuhu marna bedeli karin ilaa ay timaaddo xaalad deg deg ah oo ATS (Air Travel Service) ama ATC (Air travel Control) ay u soo gudbiyaan inay bedeli karaan heerka duulitaanka ay diyaaraddu ku duulayso.

Sababta aanu pilot-ku uga bixi karin flight level-ka ayaa waxa ay tahay in ay jirto wax loo yaqaan VSM (Vertical Separation Minima) oo ah in laba diyaaradood oo kastaa u kala sarreeyaan 2000ft oo ah kala dheerayn joog ah (vertical separation) inkastoo habkan lagu bedelay 2005-tii hab cusub oo loo yaqaan RVSM (Reduced Vertical Separation Minima).

Habkan RVSM oo markii ugu horreysay Europe lagu tijaabiyey 2002-kii ayaa yaraynaya kala sarrayntii diyaaradaha waxaanu u kala qaaday in labadii diyaaradood oo jiho u wada socda sida Eastbound ay kala sarreeyaan 2000 cagood sidii horeba ay u ahayd, laakiin kuwa ka hor imanaya ee loo yaqaan Westbound ay kala dhex galaan si ay markaa kala dheerayntu u noqoto 1000ft kuwa iska hor imanaya, iyagoo kala qaadanaya Kisi iyo dhaban (Even & Odd), marka laga bilaabo FL290 ilaa FL410, diyaaradaha ku duulaya wixii ka hooseeya FL290 waxay istimaalayaan VSM (Visual Separataion Minima) Tusaale ahaanna ka dhigan:
• Magnetka raadinta 000 ilaa 179° – kumanaan dhaban ah (FL 290, 310, 330, etc.)
• Magnetka raadinta 180 ilaa 359° – kumanaan kisi ah (FL 300, 320, 340, etc.).

Taasoo macnaheedu yahay in haddii diyaaradda magnetical track-geedu yahay inta u dhaxaysa 000 ilaa 179° marka laga qiyaas qaadanayo Magnetic North pole-ka waxay diyaaradahaasi ku duulayaan, tusaale ahaan FL290, FL310, FL330 iwm, halka kuwa ka hor imaanayana ay ku dulayaan FL300, FL320, FL340 iwm.

Dhinaca kale iyaguna diyaaradaha u kala socda North/Southbound ayaa iyaguna sidoo kale kala qaata kissi iyo dhaban (Odd and Even flight level) iyadoo ay ku xidhan tahay hadba Magnetic track-ga ay ku socdaalayaa sida:
• Magnetka raadinta u dhexeeya 90° ilaa 269°, flight level wuxuu noqonaya Kissi (odd flight level)
• Magnetka raadinta u dhexeeya 270° ilaa 359° iyo 0° and 89°, flight level-ku wuxuu qaadanayaa dhaban (even).

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Axmed Foowsi

Tifaftirka: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media