”Wixii laga dhigayo waxba idinkama gelin!” – MW Erdoğan oo furka ku xooray Giriigga (Muxuu ka hadlay Giriiggu?)

0

(Ankara) 10 Juun 2020 – Giriigga ayaa maalin dhowayd ka hor yimid hindise taageero ka helaya baraha bulshada oo ah in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa Athens uga digey inay faraha lasoo gasho arrimaha gudaha dalkiisa.

Mar uu la hadlayey Turkish Radio and Television (TRT), wuxuu Erdoğan cambaareeyey warkan kasoo yeerey Giriigga, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay arrintani u taallo hay’aadka Turkiga oo aanay ahayn arrin walaac uga baahan Giriigga.

“Giriiggu ma ahayn kii dalkan maamuli jirey, marka ha iska ilaaliyo sheegista warkan oo kale,” ayuu yiri Erdoğan oo Giriigga xusuusinayey inay iyagu xukumi jireen iyaga.

“Haddii uusan Giriiggu booskiisa aqoonin, Turkigu waa yaqaan jawaabta la siinayo,” ayuu daba dhigay.

Hagia Sophia ayaa waxaa ay ahayd kaniisad wayn oo la dhisay cadigii Boqortooyadii Byzantine ama Roman-kii Bari sanaddii 537 Nabi Ciise CS kaddib, iyada oo kaniisad ahayd muddo 916  oo sanadood ah ilaa ay Muslimiintu furteen 1453, iyaga oo masjid u rogey.

Yeelkeede, 1934-kii ayaa Hagia Sophia loo bedeley meel matxaf ah kaddib markii wareegto kasoo baxday Jamhuuriyadda Turkiga casriga ah sidaa lagu faray oo uu xilligaa xukumayey hal xisbi aad ugu xag-jira dhanka cilmaaniyadda.

2015-kii, ayuu nin wadaad ihi markii ugu horreeysey muddo 85 sanadood ah Qur’aan ku dhex akhriyey dhismahan oo u diiwaan gashan hay’adda UNESCO, iyadoo sanadkii xigey ee 2016-kii uu maamulka diimeed ee Turkigu uu halkaa ku qabtay munaasabad QUr’aan akhrin ahayd oo lagu maamuusayey markii ugu horreeysey ee Qur’aanka lagu soo dejiyey Nabi Muxamed (NNKH).

Waxaa haatan soconaya dedaallo lagu doonayo in markale masjid laga dhigo Hagia Sophia.

Hadalsame Media