Ruushanka oo sameeyey RAADAAR arki kara walax ku socda 8,000km/saacaddii & dalal ay Maraykanka is neceb yihiin oo uu ka iibinayo + Sawirro

0

(Moscow) 10 Juun 2020 – Ruushka oo hore u farsameeyey gantaalo guuxooda ka dheereeya oo nooc cusub ah sida Avangard iyo Kinzhal, ayaa iminka xal u keenay isla gantaalahaas, isaga oo sameeyey raadaar arki kara, xitaa haddii lasoo rido iyaga oo raxan ah.

Dunida ayaa haatan ku tartamaysa farsamaynta gantaalaha qaarad ka qaaradda ah ee guuxooda ka dheereeya, waxaana uu iminka Bentagon-ku wadaa daraasad ay uga shaqaynayaan hubkan oo loo yaqaan Hypersonic Air-breathing Weapon Concept (HAWC), kaasoo ay ka wada shaqaynayaan Ciidanka Cirka USAF iyo Hay’adda Daraasaadka Agabka Hormarsan ee Difaaca ee DARPA.

Haddaba, in la helo gaashaan la iskaga dhigo hubka noocaas ah ayaa ah arrin aad loogu baahan yahay, maadaama ay adag tahay in la qabto ama xitaa la arko gantaal guuxiisa ka dheereeya.

Ruushka ayaana sheegaya inuu xalkii hayo, sida ay sheegtay Hay’adda Rosoboronexport, oo ah hay’adda dowladda ugu qaybsan iibinta hubka.

Raadaarkan cusub oo ka mid ah noocyada Protivnik (lid), ayaa dad badan kaga yaabiyey “awooddiisa iyo hufnaanta uu ku arki karo waxyaabaha aadka u dheereeya oo uu ku jiro gantaal kasta oo guuxiisa ka dheereeya.”

Waloow aanu gaariga uu raadaarkani saaran yahay ee KAMAZ aanu u qurux badnayn si ka tarjumaysa shaqada uu qaban karo raadaarka uu xambaarsan yahay iyo muuqaallada yaabka leh ee uu leeyahay, misna waa mid aad xasaasi u ah oo arki kara bartilmaameed ku socda fogaan dhan 8,000km/saacaddii (ku dhowaad 5,000mayl/saacaddii) isagoo ka arki kara marka uu soo jiro masaafo jirta 450km (280 mayl).

Protivnik series “can simultaneously track at least 1,000 thousand objects” and distinguish between eight classes of missiles, Rosoboronexport revealed.

Kaaga darane, maadaama uu gaari saaran yahay wuxuu awood u leeyahay xeesha ciidan ee loo yaqaan ”toogo oo ka tag”, iyada oo uu Ruushku sheegay inuu ka iibinayo gobollada uu aalaaba ku xisaabtamo ee Asia-Pacific sida North Korea, Woqooyiga Afrika, iyo Bariga Dhexe oo agabkiisa laga aaminsan yahay.

Arrintan ayaa istaraatiji ahaan halis ku ah Maraykanka, waayo wuxuu sidoo kale arki karaa dayuuradaha raadaarka ka dhuunta ee Maraykanka sida F-22 iyo F-35 iyo bamarrada sida B-2 Spirit.

Gudaha raadaarkan guurguura

Hadalsame Media