XOG: RW Khayrre oo caawa ku dhaqaaqi doona/kara laba arrimood (Warar hoose)

0

(Muqdisho) 10 Juun 2020 – Warar aannu ka heleeyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu caawa arrimo xasaasi ah ka hadli doono RW Somalia, Xasan Cali Khayrre.

Lama oga inuu ka hadli doono arrintan murugsan ee ku saabsan Doorashada Somalia ee 2021 ama arrimo kale oo isaga u gaar ah, balse taa ayaa loo badinayaa, waloow aynaan warkan oo aannu ka helnay ilo hoose aysan weli si buuxda u kala caddayn.

”Inuu Doorashada ka hadlo iyo inuu gebi ahaanba wax kale ka hadlo labaduba waa dhici karaan,” ayay ishaasi oo lagu kalsoonaan karo u sheegtay Hadalsame Media.

Waxaa iminka aad u cakiran arrinta ku saabsan qaabka iyo xilliga ay dhacayso Doorashada Somalia ee 2021, iyada oo ay dhowr maamul taageereen bayaan kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamanka kaasoo moowqif ahaan waafaqsan war uu horay u sheegay isla RW Khayrre oo ah in doorashada xilligeeda lagu qabto isla markaana lala hadlo saamileeyda.

Warar aannu ilo ka mid ah xayndaabyada hoose ka mid ah ayaa iyaguna sheegaya inuu caawa dhoofi doono RW Somalia, Md Xasan Cali Khayrre, waloow aynaan weli helin halka uu u dhoofayo isla markaana aan weli la hubin inuu dhoofayo gebi ahaanba.

Wixii kasoo baxa kala soco Hadalsame Media

DAAWO QUBANAHA HADALSAME

Hadalsame Media